Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Xalay Khudbad ka jeediyey Munaasabad lagu xusayey 15-ka May.

Madaxweyne xasan-sheekh.jpg12Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud caawa Khudbadda ka jeediyey Munaasabadda 15-ka Maajo Maalinta Dhallinyada Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA IYO VIDEO-YADA

Xafladda.jpg6

Madaxweynaha ayaa waxa uu khudbaddiisu ku bilaabay.“Sharaf weyn bey ii tahay in aan caawa idin kala soo qeyb-galo xuska iyo damaashaadka munaasabaddan weyn ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed. Maalintan waxaa ay goob gaar ah ku leedahay xasuusteenna qarannimo. Waa maalin nagu dhaqaajineysa ka fikirta mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ka hadlayey halganka dhallinyarada ayaa wuxuu yiri.” Sida aad wada ogtihiin, halgankii loo soo galay gobannimada iyo xorriyadda Soomaaliyeed ee looga xureynayey xukunkii gumeysiga waxa uu ahaa mid adag oo dheer. Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed oo SYL loo yaqaano waxa uu ka koobnaa gabdho iyo wiilal Soomaaliyeed oo go’aan ku gaaray inay hoggaamiyaan halgankaas. Halgankaas dheeraa waxaa loo huray oo lagu waayay naf, hanti iyo maal si ay Soomaaliya u xurowdo. Taas oo keentay in Soomaaliya dhalato sanadkii 1960kii sida waddamo kale oo Afrikaan ah.”.

Madaxweynuhu wuxuu intaas raaciyey: “Maanta waa wax wanaagsan in aan qirno taariikhdaas gabdhahaas iyo wiilashaas oo iyaga oo da’ yar, khibrad badanna lahayn , ay isticmaaleen geesinnimadooda iyo dhaaqadooda si loo dhiso Qaranka aan maanta heysanno”.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in mustaqbalka dalka uu ku jiro gacmaha dhallinyarada Soomaaliyeed. “Soomaaliya dhibaatooyin badan bey soo martay sanadihii la soo dhaafay, waxaana rumeysanahay mustaqbalka dalkan iyo dadkiisa waxa uu kujiraa gacmaha gabdhaheenna iyo wiilasheenna”.

Madaxweyne xasan-sheekh.jpg13

Madaxweynaha ayaa ammaana usoo jeediyey dhallinyarada Soomaaliyeed dalka wax ku baratay iyo kuwa dibadaha wax ku soo bartay ee dalka dib uga soo laabtay isla-markaana ka qeyb qaadanaya horumarka dalka, wuxuuna yiri: “Waa wax lagu farxo in aan aragno dhallinyaradeennii oo ka badbaaday burburkii oo maantana aadaya jaamacadaha dalkeenna, dhallinyaradii oo shaqeyneysa oo noloshooda dhisaaya iyada oo weli dhibkii socda. Sidoo kale, dhallinyarada Soomaaliyeed ee dibadda ka soo laabatay waxa ay ka qeyb qaadanayaan dib-u-dhiska dalkooda. Waxa iskuxiraya waa aaminaadda ay dalkooda aaminsan yihiin iyaga oo yididiilo fiican u qabo dalkooda.

Waxaa kaloo uu Madaxweynaha yiri: “Dowladdu waxa ay aqoonsan tahay dhallinyaradu in ay tahay hantida ugu muhiimsan ee ee qarankan. Maanta 70% tirada dadkeenna waa dhallinyaro kayar 30 sano. Taas oo nasiineysa quwaddii aan ku dhisi laheyn dalkeenna oo nabdoon oo mustaqbal leh”.

Madaxweynaha ayaa xafaladda ka sheegay in Dowlada ay wado qorshayaal lagu horumarnaya dhallinyarada. “Todobaadkii la soo dhaafay, Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka waxa ay qaban-qaabisay tababar loo sameynayo maamullada KMG ah iyada oo lagu tababarayo aqoonta la xiriirta Dowladda hoose, Booliska, Sir-doonka, iyo Garsoorka si loogu meeleeyo goballada kala duwan islamarkaana u fududaato isku-xirnaanta iyo xiriirka Dowladda Dhexe iyo goballada.

Saraakiishaas tababarkaas ka qeyb-galay waxa ay qaateen duruus ku saabsan dib-u-aas-aasidda xiriirka Dowladda iyo dadweynaha iyo sidii loo wanaajin lahaa gaarsiinta adeegga iyo kala dambeynta sharciga. Iyada oo qorshayaasheennii ay isubeddelayaan barnaamijo la taaban karo maalinba maalinta ka dambeysa.

Madaxweyne xasan-sheekh.jpg14

Madaxweynuhu wuxuu yiri: “sida aad indhihiinna ku aragtaan, waxa aan dhallinyarada ku dhiirrigalinayaa in ay ka faa’ideystaan howlaha dowlad-dhisidda iyaga oo ka qey-qaadanaya dhisidda qarankooda. Iyada oo ay waxaas oo horumar ah jiro, haddana waan ogahay in ay mushkilaad badan na hor yaallaan. Adeegyadii bulshada ma dhameystirna sida waxbarashada iyo caafimaadka. waan ogahay shaqo-la’aanta dhallinyadu in ay kor u dhaafsan tahay 50%. Caqabadaas iyo kuwa kaleba waxa ay ku hor-gudban yihiin dadaalkeenna dowlad-dhisidda

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey. ”Intaas waxaa dheer oo nasiib-darro ah in weli maanta ay jiraan dhallinyaro badan oo la marin-habaabiyey loona isticmaalayo sharta ay wadaan kuwo wata fikrado qaldan. Hadda waxaa la gaaray waqtigii ay dhallinyaradu maal-galin lahaayeen mustaqbalkooda. Dhallinyaradu iyaga ayaa hormuud u ah tijaabinta waxyaalaha cusub iyo dhalinta isbeddelka iyaga oo dadka kalena ugu yeeraya in ay soo raacaan. Idinka ayaa curin kara mustaqbal wanaagsan islamarkaana leh aqoontii bulsho iyo maskaxeed ee loo baahnaa in dalkaan lagu dhiso”.

Madaxweyne xasan-sheekh.jpg15

Sidaa daraadeed, dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxa aan ugu baaqayaa in ay qeyb ka noqdaan taariikhdan qormeysa, Soomaaliya isbeddel baa ku socda, dhallinyaradana waxaa laga rabaa in ay laf-dhabar u noqdaan marxalladdan taariikhiga ah. Fursaddan ka faa’ideysta oo noqdo kuwii ay bulshada qeybaheeda kale ku dayan lahaayeen ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Waa inaad dadaalka sii laba-jibaartaan si ay fursaduhu idiin dhaafin. Idinka ayaa iska leh go’aanka jidka aad qaadeysaan iyo waliba waxa ay Soomaaliya ku dambeyn doonto sanadaha soo socda. Ayuu sidoo kale, Madaxweynuhu yiri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu dambeyntii baaq u diray dhalinyaradda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Waxa aan rabaa in aan fursaddan uga faa’ideysto in aan wax yar ka dhaho taladii ay soo jeediyeen dhawaan xubno ka mid ah Golaha Shacabka; Waan akhriyey dhammaan qodobada ay ku xuseen ra’yigooda; waxayna qadobadu ahaayeen kuwa ku saabsan howlaha xukuumadda. Kuwaas oo wax-ka-qabashadooda horumar weyn laga sameeyey, qaarkalena weli lagu howl jiro.

Waxaa lama huraan ah ayuu yiri Madaxweynuhu in hayadaha dowladda oo dhan ay iska kaashadaan horumarinta wadanka. Baarlamaankana muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay hor uu socodka wadanka, waxaanna kula dardaarmeynaa inuu dowr libaax ah ka qaato sidii dalka iyo umadda soomaaliyeed looga saari lahaa marxaldan adag ee ay ku sugan yihiin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO TAARIIKHDA SYL

HALKAN KA DAAWO VIDEO TAARIIKHDA DALKA SOOMAALIYA

DAAWO TAARIIKHDA SOOMAALIYA

SOMALI HISTORY PART ONE

SOMALI HISTORY PART TWO

SOMALI HISTORY PART THREE

TAARIIKHDA WALAALAHA JABUUTI

XUSKA 26-KA JUUN & 1-DA JUUNYO Xornimadii Soomaaliya.

HALKAAN KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH OO AAN KA DIYAARINAY Waxqabadkii Kacaanka: 21-kii Sano ee Mileteriga iyo 21-Kii sano ee Maleeshiyaadkii Magacyo badan.

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO WAXQABADKII KACAANKA IYO KHUDBADIHII SIYAAD BARRE IYO GOLAYAASHII XISBIGII HANTIWADAAGA KACAANKA OCTOOBER

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO KALA DUWAN OO KU SAABSAN TAARIIKHDA DALKA SOOMAALIYA

KHUDBAD UU JEEDIYAY SIYAAD BARRE 7-DII MAY 1970

HALKAAN HOOSE KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH: 21-ka OCTOOBER

Fadlan, ogsoonoow, heesaha Qaarkood waxaa laga yaabaa inaad u baahato haddii aadan heysan barnaamish-ka Flash player si aad ugu dhegeysato halkaan, haddii kale kuuma soo baxayaan.

  1. TAARIIKHDA SOMALIYA 1800 to 1991 (Film (Somali-English)
  2. MAGACYADA IYO TAARIIKHDA DHALLINYARADII SYL
  3. TAARIIKHDII XORNIMO DOONKA IYO SYL.( Video English)
  4. TAARIIKHDII MADAXWEYNE ADEN CABDULLE CISMAN.
  5. MADAXWEYNE MAXAMAD SIYAAD BARRE (Maqal-Muuqaal).
  6. WAXQABADKII KACAANKA IYO XISBIGII HANTIWADAAGA KACANKA -GOLAYAASHIISII IYO AWOODAHA AY LAHAYEEN (Maqal, Muuqaal iyo Qoraallo)
  7. DAAWO BARNAAMISH KA HADLAYA TAARIIKHDA SOOMAALIYA OO AAN IDIIN DIYAARINNAY.(Video Somali)
  8. TAARIIKHDA URURADA DIINTA SOOMAALIYA IYO KOBOCOODII (Billoow ilaa dhamaad).

HALKAN KA DAAWO TAARIIKHDA DALKAAGA

SOMALI HISTORY PART ONE

SOMALI HISTORY PART TWO

SOMALI HISTORY PART THREE

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO WAXQABADKII KACAANKA IYO KHUDBADIHII SIYAAD BARRE IYO GOLAYAASHII XISBIGII HANTIWADAAGA KACAANKA OCTOOBER.

Qeybta 1aad

Qeybta 2aad

Qeyba 3aad

Other Somali History files (Barnaamisho kala duwan oo kale kana hadlaya taariikhda Soomaaliya

Waxaa soo diyaariyay:

Mohamed Saadaq iyo

Yusuf Garabey

SYL

HALKAAN KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH OO AAN KA DIYAARINAY Waxqabadkii Kacaanka: 21-kii Sano ee Mileteriga iyo 21-Kii sano ee Maleeshiyaadkii Magacyo badan.

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO WAXQABADKII KACAANKA IYO KHUDBADIHII SIYAAD BARRE IYO GOLAYAASHII XISBIGII HANTIWADAAGA KACAANKA OCTOOBER

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO KALA DUWAN OO KU SAABSAN TAARIIKHDA DALKA SOOMAALIYA

KHUDBAD UU JEEDIYAY SIYAAD BARRE 7-DII MAY 1970

HALKAAN HOOSE KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH: 21-ka OCTOOBER

Fadlan, ogsoonoow, heesaha Qaarkood waxaa laga yaabaa inaad u baahato haddii aadan heysan barnaamish-ka Flash player si aad ugu dhegeysato halkaan, haddii kale kuuma soo baxayaan.

Waxaa soo diyaariyey:

Yusuf Garabey

Mohamed Saadaq iyo

Safiyo Abukar Karaani

——————————————————————————————————–

Copyright © SomaliSwiss 2014 – 2016, SomaliSwisstv.com iyo SomaliSwiss.info. Xuquuqda Sawirada bogaan ku jira iyo qoraalkuba waxay u gaar yihiin SomaliSwiss Media. Fadlan haddii ay jiraan wax qalad ah oo aad ku aragto bogaan maaha ulajeedo ee naga sax oo nala soo xiriir, haddii kale Wixii Talo, Tusaale, Dhaliil iyo Ammaan ah, intaba si farxad leh ayaan u soo dhaweynaynaa ee noogu reeb commenti-gaaga halkaan hoose, ama noogu soo dir E-mail-ka halkaan Hoose ku qoran. Mahadsanidiin.

SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: