Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta si rasmi ah ugu soo xeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka ku jira qaarkood siminaar u socday mudo Lix Cisho ah. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE
Munaasabadda Xeritaanka Siminaarkan oo ka dhacday Hotelka Dream Liner ee magaalada Addis Ababa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Ethiopia, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Muno Ibraahin Abiikar,xubno ka socday QM oo siminaarkan soo qaban qaabisay,xildhibaanno ka kala socday dalalka Afrika qaarkood iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyaha guddiga Xuquuqda Aadanaha,Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Maryan Aweys Jaamac oo hadal kooban ka jeedisay gebagebadii siminaarka ayaa u mahad celisay hayāadihii siminaarkan qabsoomidiisa gacan ka geystay waxaana ay kale xustay in waxyaabihii ay halkan ku kororsadeen ee la xiriiray doorka Haweenka ee hogaaminta siyaasadda dalka ay gaarsiin doonaan walaalahooda kale ee aanay ka qeybgalin.
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Ethiopia Danjire Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasabadda xeritaanka siminaarkan ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu kala soo qeybgalo XIldhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Munaasabaddan waxaana uu dhanka kale ka hadlay doorka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda dalka iyo sida uu u kordhayo.
Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo jeediyey khudbaddiisa xeritaanka ee siminaarkan ayaa ugu horeyn u mahad celiyey hayāadihii soo qabanqaabiyey oo ay ugu horeyso UN WOMEN iyo dowladda Ethiopia oo uu uga mahad celiyey sida ay usoo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayo ee mudada todobaadka ah ku sugan magaalada Addis Ababa.
āRun ahaantii dareen ahaan waxaan u arkaa in talaabadan aan maanta siminaarka ugu soo xerayo Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iney bilow fiican u tahay dar dargelinta ku dhiiragelinta Haweenka Soomaaliyeed guud ahaanba iney si hufan u qaataan ama u ciyaaraan doorkooda ku aadan hogaaminta siyaasadda dalka waxaanna rabaa inaan halkaan ka cadeeyo in Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya uu dhiiragelinayo iney Haweenka Soomaaliyeed qaataan kaalintooda la xiriirta hogaaminta siyaasadda dalka maadaama ay Haweenku yihiin tiir dhexaadka Bulshadaāayuu yiri Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.