Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Xeerka iyo shuruucda Isgaarsiinta gudaha dalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirada CusubGolaha wasiirada oo xalay kulmay ayaa ansixiyay xeerka isgaarsiinta dalka kadib ay xalay ku yeesheen Muqdisho, kaasoo uu shir gudoominayay Ra’isal wasaare C/weli Sh. Axmed.

R/wasaare Cabdi weli Sheekh Maxamed oo shir guddoominayay shirka golaha Wasiirada ee xalay ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga, iyadoo intii uu shirka socday Warbixino laga dhageystay Wasiirrada Gaashaadhigga iyo amniga, taasi oo ku aadan dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Belad Xaawo ee gobolka Gedo.

Dood dheer kadib golaha Wasiirada ayaa kulankooda ku meel mariyay xeerka Isgaarsiinta Dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Shirka ayaa markii uu soo idlaaday Waxaa Saxaafadda uga warbixiyay Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo sheegay in Golaha wasiirada ay dowladda iyo shacabka Turkiga uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay godka macdanta laga qado oo dab koronto ka kacay.

Dhanka kale Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraahim Xaaji Aadan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka sheekeeyay ahmiyadda uu u leeyahay bulshada sharcigan, isagoo xusay in tani ay fududeyneyso in dowladdu uu dakhli ka soo galo, waxaana uu tilmaamay inay horgeyn doonaan Baarlamaanka Soomaaliya si ay uga doodaan.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: