Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadlay dagaallada ka socda degmada Balad-xaawo .

Wasiirka Gaashaandhigga.jpg2Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka hadlayay dagaallada ka socda degmada Balad-xaawo ee u dhexeeya dhinacyada u dagaalamaya gacan ku haynta degmadaas ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay bixi doonaan haddii aan la joojin dagaalkaas.

Sidoo kale, Wasiirku ayaa ka digay in dagaallada ka socda degmada Balad-xaawo ay isku bedeli karaan kuwo sokeeyo oo uu dhiib badan ku daato, wuxuuna dhinacyada dagaalku uu u dhexeeyo ka dalbaday inay joojiyaan colaadda nabaddana ay ka qaybqaataan.

Mudane Xaamu ayaa wuxuu intaa ku darary in dagaalladan ay fursad siin karaan Xarakada Al-shabaab iyo kuwa la midka ah, wuxuuna yiri: “Haddii la joojin waayo dagaallada ka socda degmada Balad-Xaawo , taasi waxay keenaysaa in ciidamada AMISOM ay dalka isaga baxaan”.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumaddu ay wafdi u dirayso gobolka Gedo si ay wax uga qabtaan dagaallada soo laalaabtay ee ka dhacaya degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Dhinaca kale Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii beeniyay inay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed ay ka qaybgaleen dagaallada dhowrka mar ka dhacay degmada Balad-xaawo.

Sida la wada ogsoon yahay Degmada Balad-Xaaawo ayaa waxay ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo ee ay dowladda Soomaaliya gacanta ku hayso, waxaana dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayey dagaallo u dhexeeyay dhinacyo isku haya gacan ku haynta degmada.

Mudane Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Guddoomiyaha gobolka Gedo oo ka hadlay dagaalkaas ayaa wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyaddiisa guddoomiyaha degmada Dooloow, waxaana dagaalladii ka dhacay ku dhintay in ka badan 15-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen soddomeeyo kale.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: