Kooxda Al-Shabaab oo shalay Ku dishay magaalada Baardheere Muwaadin Soomaaliyeed.

al-shabaab dilMaleeshiyaad katirsan kooxda Al-a Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay meel fagaare ah oo ku taala degmada Baardheere waxaa ay ku toogteen nin ay sida ay sheegeen ku eedeeyeen inuu ahaa basaas.

Marxuumka ay dishay Xarakada Al- Shabaab ayaa magaciisa lagu sheegay C/xamiid Sheekh Maxamed Xuseen oo 29 jir ahaa, waxaana horjoogayaal meeesha ka hadlay ay sheegeen in ninkan uu qirtay falkii lagu soo eedeeyey.

Marxuum C/xamiid Sheekh Maxamed Xuseen oo da’diidu ahayd 21-sano ayaa waxaa xukun ku ridday maxkamadda Al-shabaab, iyadoo qaaliga maxkamadda uu sheegay inuu qirtay C/xamiid inuu ahaa basaas u shaqeynayay dowladda Soomaaliya.

Waxaa goobjoog ka ahaa goobta uu xukunku ka dhacayay Guddoomiyaha Al-shabaab ee Gedo, mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab iyo shacab fara badan ayaa, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay toogato ruux ay ku eedeysay inuu yahay basaas.

Dilka marxuumka ayaa waxa si aad ah uga xumaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Gedo,gaar ahaa dadka ku dhaqan degmada Baardheere, iyagoo ku tilmaamay fal xadgudub ku ah Diinta Islaamka.

Ha yeeshee arintan ayaa qeyb ka ah xadgudubyada iyo gaboodfallada ka dhanka ah xuquuqda Aadanaha oo maleeshiyaadka argagixisadu ku baneysteen daadinta dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

SomaliSwiss      Baardheere
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: