Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil Sar-sare oo ka socday dalka Talyaani.

Ra'iisalwasaaraha kulan Italy1Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha guud ee ciidamada Talyaaniga u qaabilsan hawlgallada dibadda oo Soomaaliya ay ka mid tahay, Jen. Batarooni.

Ra'iisal-waasaraha kulan Italy

Qaabilaadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka Soomaaliya, tababbarada iyo taageerada ay dawladda Talyaanigu siiso ciidamadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliyaoo qaabilaadan ka hadlay ayaa wuxuu yiri: “Talyaanigu waa saaxiibbo in muddo ah taageero noo fidinayay, kulankan wuxuu sii xoojinayaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxayna dhawr jeer oo hore ugu deeqeen ciidamadeenna qalab iyo tababbaro ay siiyeen. Waxaana hadda dalka ku sugan khubaro dhanka ciidamada ah oo naga taageera tababbarrada ciidamadeena”.

Sidoo kale waxaa kulanka qaabilaaddaas ka hadlay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Maxamed Xasan Xaamud ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo taliyuhu ay ka wada-hadleen sidii loo dar-dar-gelin lahaa taageerada millateri ee dawladda Talyaanigu siiso Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiggu shir jaraa’id ka sheegay in Talyaanigu ay ballan-qaadeen kordhinta taageerada ay dawladda Soomaaliya siiyaan wuxuuna yiri: “Maanta Muqdisho waxaa nagu soo booqday, Jen. Bataroni oo ka socday dalka Talyaaniga; kaasoo ah u qaybsanaha Talyaaniga ee hawlgallada dibadda, sidaad la socotaana Talyaaniga waxaa ka jooga Soomaaliya saraakiil tababara ciidanka, waxaana isla soo qaadnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka milateri ee ka dhaxeeya labada dal”.

Dhanaca kale, Wasiirku wuxuu ka hadlay dagaalladii shalay ka dhacay magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo ay ku dhinteen tiro dad ah oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamayay.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in dagaallada Beled-xaawo ay fursad siin karaan kooxaha Al-shabaab, si ay dib isugu abaabulaan iskuna dayaan inay ku dhigaan gacanta degmadaas.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: