Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waddanka China oo ka warbixiyay Gabadhii Soomaaliyeed oo dhawaan ku Geeriyootay dalkaas.

china beijing.jpg1Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka China ayaa faahfaahin ka bixisay dadaal ay ugu jiraan sidii loo dhoofin lahaa meydka gabar Soomaaliyeed oo dhawaan ku geeriyootay dalka China.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka China Cali Macow oo u warramayey weriyaha Tviga Cali Jaamac Cilmi (Cali kuus) oo shaqo u jooga dalkaasi ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaay in dalka China ay waqti u qabteen meydka marxuumadda balse ay Jaaliyadda Soomaaliyeed haatan ku talo jiraan in ay soo ambabixiyaan maadaama dalkaasi meydka la gubo.

Mudane Cali Macow waxa uu sheegay in ay ururiyeen lacag ka badan soddon kun oo dollar oo ku baxeysa soo qaadidda meydka, lacagahaasoo ay iska soo uruuriyeen Ganacsatada iyo guud ahaan jaaliyadda dalkaasi China ku nool, waxaana sidoo kale gacan ka geystay arrintaasi safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Gabagabadii Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka China Cali Macow ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee doonaya iney qaxooti ahaan ugu noolaadaan dalkaasi ineysan ku soo degdegin, maxaa yeelay ayuu yiri waxaa dhici kara dhibaatada hadda taagan oo kale, taasoo ay adkaaneyso sida lagu xalliyo haddii dhacdo tan oo kale ah ay timaado.

SomaliSwiss       Beijin
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: