Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta shaaciyay inaysan beesha caalamku ku cadaadinayn in Madaxweynaha Soomaaliya uu is-casilo.

Nicholas Kay.jpg1Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Nichola Kay ayaa shaaciyay maanta inaysan beesha caalamku ku cadaadinayn madaxweynaha Soomaaliya inuu is-casilo, isagoo beeniyay in beesha calaamku ay dabada ka riixayso xildhibaannadii madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu is-casilo.
Continue reading

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay oday-dhaqameed ka yimid Koonfurta Soomaaliya oo tegay Hargeysa.

oday dhaqameed.jpg2Oday dhaqameedyo gaaraya ilaa 50 qof oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo xukuumadda Somaliland ay markii ugu horreysay ka hadashay safarka waxgaradkan Muqdisho ka yimid. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Continue reading

Xildhibaanno ka tirsan Baaramaanka Soomaaliya oo maanta si rasmi ah qoraal is-casilad ah ugu gudbiyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha kusoo laabtay Dalka.jpg2Xildhibaanno ka tirsan Baaramaanka Soomaaliya ee soo saaray dhawaan qoraalkii ay Madaxweynaha kaga dalbanayeen inuu xilka ka dago ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbiyay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Continue reading

Maxaa keenay in Xarakada Al-shabaab ay ka Hadasha Khilaafka ka dhex aloosan Dowladda Soomaaliya ???

Al-ShabaabMadaxa Al-shabaab ee gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa markii ugu horresay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex-taagan xubno ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Continue reading

Ra’iisul Wasaarada Soomaaliya iyo wafdigiisa oo maanta kormeer ku tagay magaalada Qoryooleey.

R.a'iisal wasaareRa’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo xalay ku sugnaa magaalada Marko ayaa maanta gaaray degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo dhawana ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Xarakada Al-Shabaab.
Continue reading

Machadka doorashooyinka & Hanaqaadka dimoqraadiyada Afrika (EISA) oo shalay Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay qaabka doorashada xorta ah.

Kulan doorashadaMachadka doorashooyinka iyo Hanaqaadka dimoqraadiyadda Afrika ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan EISA, ayaa wuxuu soo qaban qaabiyay kulan looga hadlayay qaabka doorashooyinka Xorta ah, kaas oo ay ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka, haween iyo dhalinyaro.
Continue reading

%d bloggers like this: