Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Ansixiyay Miisaaniyadda Sannadka 2014.

Barlamaanka Soomaaliya.JPG1Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku meel-mariyay kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdisho miisaaniyad-sannadkeedka 2014-ka ee ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya.

Miisaaniyadda sannadkan oo doodo adag ay mudanayaasha baarlamaanku ka yeesheen ayaa ugu dambeyn maanta la meel-mariyay, inkastoo xildhibaannadu ay dhaliilo kala duwan u soo jeediyeen qaabka loo soo diyaariyay.

Sidoo kale, Codeynta kaddib ayaa guddoomiye ku ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar wuxuu ku dhawaaqay in miisaaniyadda ay ansax tahay ayna codka kalsoonida ah siiyeen 162-mudane oo ka mid ahaa xubnihii kulankii saaka xaadiray.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “Waxaa codka kalsoonida ah siiyay miisaaniyadda 162 xildhibaan, toddoba way diideen, saddex kalena way ka aamuseen”.

Wasiir u dowlaha wasaaradda maaliyadda, C/llaahi Axmed Nuur oo hortagay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in miisaaniyadda ay bilooyin ka doodayeen xildhibaannada, balse ugu dambeyn maanta la meel-mariyay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay soo gudbisay Miisaaniyadda sannadkan 2014-ka, taasoo cadadkeedu yahay in ka badan 128-milyan oo doolarka dalka Mareykanka ah, iyadoo ay xildhibaannada qaarkood dhaliileen mushaaraadka iyo gunnooyinka askarta dowladda loo qoondeeyay.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: