Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay baaqii ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka.

MadaxweynahaMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si taxaddar leh uga jawaabay maanta baaqii xildhibaannada baarlamaanku ay ugu soo jeediyeen inuu is-casilo, isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo firkir walba oo loo soo jeediyo.

Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa kaga hadlay booqashooyin uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta iyo baaqii xildhibaannada baarlamaanka ka tirsan ay soo jeediyeen.

Madaxweynuhu oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Aad iyo aad baan u xushmeynayaa una qadarinayaa ra’yiga qofka Soomaaliga ah haddii uu yahay siyaasi ama shacab, qofku inuu ra’yigiisa cabiro waa wax aad u fiican, waan ku faraxsanahay in maanta si xuriyad ah loo hadli karo dadkuna ay ra’yikooda u cabiri karaan, waxay hormuud u tahay xoriyadda iyo dowladnimada meesha aan ka gaarnay; laakiin waxaan leeyahay ra’yi kasta oo la cabirayaa wuxuu leeyahay meel lagu cabiro iyo si loo cabiro”.

Mudane Xasan Sheekh oo mar kale ka hadlay arrinta Is-casilaadda wuxuu yiri: “Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa in qiimeyn dhab ah loo qiimeeyo waxqabadka dowladda, gaar ahaan hay’adaha dowladda iyadoo aan la siyaasadeyn. Soomaaliya meel bay ka timid meel ayayna u socotaa, Soomaaliya dowlad ayay yeelatay dowladnimaduna waa sii xoogeysaneysaa.”

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay safarro uu maalmahii ugu dambeeyay booqasho ku joogay dalalka Itoobiya iyo Imaaradka Carabta, wuxuuna sheegay in arrimo kala duwan uu kala soo hadlay madaxdii uu la kulmay oo dhan.

“Ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaan kala soo hadalnay cilaaqaadka labada dalka iyo arrimaha gobolka. Sidoo kale waxaan Addis Ababa kula kulannay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo aan isaguna kawada hadalnay xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka iyo la-tashiga shirka Afrika iyo Mareykanka oo ka dhici doona dalka Mareykanka bisha Ogoosto ee sannadkan iyo sidii loo kordhin lahaa tegeeradda Soomaaliya iyo iskaashiga dhanka ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada.”

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxda dalka Imaraadka Carabta uu kala hadlay cilaaqaadka labada dalka iyo sidii loo kordhin lahaa kaalmada dhaqaalaha ee ku wajahan Soomaaliya sida, kaabayaasha dhaqaalaha, maal-gashiga iyo dhinaca horumarinta deegaannada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu lug ku soo maray waddada Maka Almukarama, wuxuuna mid-mid u gacan qaaday kumannaan dadweeyne oo maanta isugu soo baxay waddooyinka Muqdisho, kuwaasoo ka qayb-galay soo dhaweyntaMadaxweynaha Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: