Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayey oo safar shaqo dalka dibadiisa ugu maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay Dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, xubno ka socday Maamulka Gobolka Benaadir iyo dadweyne aad u fara badan oo sitay caleemo qoyan iyo boorar uu ku sawirnaa Madaxweynaha. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu saxaafadda uga warbixiyo waxyaabihii u qabsoomay safaraddii ay ku tegeen Dalalka Ethiopia iyo Isutagga ImaaraadkaCarabta.
Madaxweynaha iyo Wafdiga la socday ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia halkaasi oo ay kula kulmeen Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry oo ay ka wada hadleen arrimo badan xaaladda Soomaaliya iyo tan gobolka ku saabsan.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
//
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.