Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka dooday go’aan ka gaarista Miisaaniyadda Sanadka 2014-ka.

xildhibaanada baarlamaankaXildhibaanada Barlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa guda galay u codeynta misaaniyad sanadeedka sanadka 2014ka kaasoo ay horay baarlamaanka u hor geysay Wasaaradda Maaliyadda.

Ajandaha fadhiga Baarlamaanka ee maanta ayaa la xiriiray gudagelida u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan 2014 ayadoo Xildhibaannada Golaha Shacabkana ay maanta wadajir u hor keeneen warbixintii ugu dambeysay ee Gudiga Miisaaniyadda ee Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maalliyadda oo uu hor kacayey Wasiiru-dowlaha Wasaaraddaasi, waxaana Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shir Guddoominayey uu furitaanka kulanka ka codsaday Xildhibaannada iney fududeeyaan ansixinta Miisaaniyaddan ayadoo la eegayo xaaladda dalku ku jiro.

Guddoomiyaha guddiga Maalliyadda, Miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Deyr oo Xildhibaannada Baarlamaanka ka hor hadlay ayaa tilmaamay in warbixintan oo ah ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan 2014,ayna isku soo af garteen guddiga iyo Wasaaradda waxaana uu ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iney Miisaaniyaddan ansixiyaan,

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maalliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo isna Xildhibaannada Baarlamaanka Khudbad u jeediyey ayaa u mahad celiyey Guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka waxaana uu dhanka kale cadeeyey in Warbixintan ay iskusoo raaceen guddiga Maalliyadda iyo Wasaaradda, islamarkaana ay tahay ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan 2014.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa intii uu socday kulanka waxa ay gudagaleen ku biirinta tallooyin ay u arkaan iney muhiim u tahay ku tagalka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan, waxaase tallooyinka Xildhibaannada ay ku qotameen kordhinta mushaaraadka iyo xuquuqda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Talo soo jeedinta kaddib waxay Xildhibaannadu guda-galeen u codeynta Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan laakiin Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in tirada Xidlhibaannada fadhiga darteed aanay codeynta sharuudihii loogu talagalay buuxi karin sidaasi darteedna dib loogu dhigayo maalinnimada berrito ah, waayo u codeynta heerkan ah waxay u baahantahay in ugu yaraan ay goobjoog noqdaan 50+1 tirada guud ee Golaha oo u dhiganta 139 Xildhibaan sida ku cad Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Dhanka waxaa lagu wadaa in maalinnimada berri ah ay Xildhibaannada Baarlamaanku dhameystiri doonaan u codeynta Miisaaniyadda dowladda sanadkan ee 2014, waxaase xusid mudan in warbixinta guddiga ee Baarlamaanka la geeyey maanta ay ku xusneyd qiima dhimis lagu sameeyey ku talagalka Miisaaniyadda waxaase wadarta guud ee kharashka la dhimay uu noqday 2,666.000$ (Laba Milyan, lix boqol lixdan iyo lix kun oo doollar).

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: