Wasiirka Amniga Qaranka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Caasimadda dalka Britain ee London.

W. AmnigaWasiirka amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada London ee Wadanka Ingiriiska, halkaasi oo lagu wado in uu kulan kula qaato Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Britain. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Wasiirka iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Ingiriiska.

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasiirka amniga Qaranka ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Britain waxa uu la kulmi doonaan madaxda amniga ee wadankaasi, iyadoo wafdiga Wasiirka ay booqashadooda qaadan doonto muddo shan cisho ah.

Dhanka kale talaabadaan ayaa qeyb ka ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhexesay iyo sidii ay dowladda Britain gacan uga geysan lahayd xasilinta Soomaaliya.

SomaliSwiss         London
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: