Ra’isal Wasaare Cabdiwali Sheekh oo maanta ka qayb galay xafalad lagu daah furayey Barnaamijka Caafimaadka Asaasiga ah ee dalka.

Ra'iisalwasaare C7weli.jpg17Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta ka qayb galay xafalad lagu daah furayey Barnaamijka Caafimaadka Asaasiga ah oo ay soo diyaarisay wasaarada Caafimaadka. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Ra'iisalwasaare C7weli.jpg18

Kulanka munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, dhakhaatiir, khubaro dhanka caafimaadka ah, Danjiraha boqortooyad Ingiriiiska u fadhiya Soomaaliya, Isku xiraha arrimaha bani’adannimada Soomaaliya, qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo maamulka gobolka banaadir.

Waxaa kulankan ugu horrayntii ka hadlay ku simaha Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Faarax oo faah faahin dheer ka bixiyey habka uu ushaqanayo barnaamijkaan oo aan noociisa horay looga hirgelin dalka, iyo inta qaybood oo ka kooban yahay.

Sidoo kale Dr. Maxamed Cabdi Faarax ayaa xusay in Soomaaliya ay caalamka kaga jirto heerka ugu liita ee hooyadu ay ku dhimato xilliga dhalmada, waayo waxaa hela Umiliso aqoon leh 9% halka 91% aysan helin, wuxuuna intaas sii dheer in caruurteena 40% kaliya ay helaan talaalka caafimaadka,

Dr. Maxamed Cabdi Faarax oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Barnaamijkaan wuxuu soo socday muddo afar sano ah, waxaana uu soo maray maraaxil kala duwan, waxaana maanta noo suurta gashay inaan soo gaarsiino heer aan u soo bandhigno shacabka Soomaaliyeed, waxaana si tijaabo ah uga fulinaynaa sagaal gobol.

Waxaa dalkeena ka jira dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah, taas oo sabab u noqotay dowlad la’aanta aan ku soo jirnay mudada badan, waxaase rajo fiican ka qabnaa in barnaamijkaan uu wax weyn ka badeli doono xaaladaha caafimaad ee ka jira dalka”.

Ra'iisalwasaare C7weli.jpg19

Dhanka kale Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska oo isna munaasabaddaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey barnaamijkaan cusub, wuxuuna ballan qaaday in dowladiisa oo la kaashanaysa deeq bixiyayaasha ay qayb muhiim ah ka qaadan doonto sidii Soomaaliya u heli lahayd caafimaad taaba gal ah, sidoo kale Danjiraha ayaa sheegay in Dowladda Ingiriiska ay lacag faro badan oo loo isticmaalay tayeynta adeegyada caafimaadka ugu deeqday Soomaaliya.

Ra’iisu Wasaare Cabdiwali Sh Axmed oo ugu danabayntii ka hadlay munaasabaddaas ayaa sheegay nidaamka caafimaadka dalku inuu yahay mid aad u liita ayna xukuumadiisu mudnaanta koowaad siinayso sidii uu miro dhal u noqon lahaa barnaamijkaan cusub.

Ra'iisalwasaare C7weli.jpg20

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Aad ayaan uga xanuunsanayaa in Hooyada Soomaaliyeed aysan helin daryeel caafimaad xilliga ay ku guda jirto dhalmada, maanta Soomaaliya waxay gashay heerka ugu hooseeyay caalamka oo hooyooyinku ku umul raacaan, waa in aan aad uga fakernaa sidii wax looga qaban lahaa caafimaad xumada haysata Hooyooyinka iyo Caruurta oo ah kuwa ugu nugul bulshada, waxaan ka rajaynayaa in caalamku nagu garab istaagayo hirgelinta adeegyada caafimaadka, ummadd aan caafimaad lahayn ma gaari karto horumar iyo nolol fiican”.

Ha yeeshee Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka dadaalka ay ugu jirto sidii dadka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo dhamaystiran, isla markaana meesha ka saara dhibaatooyinka soo wajaha hooyooyinka Soomaaliyeed xiliga dhalmada.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: