Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Jabuuti oo ka wada hadalay Xaaladda Soomaaliya.

Obama & GelleMadaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa dalka Mareykanka Brack Obama kala hadlay arrimo ay ku jirto xaaladda waddanka Soomaaliya intii lagu jiray kulan ay labada madaxweyne ku yeesheen magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka.

Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay Obama horumarrada ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay ka sameeyeen howl gallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siinayay idaacadda Codka Mareykanka wuxuu sheegay in baahida ugu weyn ee loo qabo in Soomaaliya ay guuleysato ay ku xiran tahay in la qalabeeyo lana xoojiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay uga adkaadaan kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay in qorshaha keliya ee Soomaaliya ay ku gaari karto hadafka ay higsanayso waa in la helo ciidammo awood oo leh oo dalka difaaci kara una jawaabi kara kuwa doonaya inay dhibaatada abuuraan.

Mar uu ka hadlayay qorshaha Jabuuti ee uu kala hadlay madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inay ku heshiiyeen in saldhiggii Mareykanka uu ku lahaa Jabuuti inuu sii shaqeeyo, xooggana la saaro sidii shacabka Jabuuti shaqaale ay uga noqon lahaayeen.

Madaxweynaha Jabuuti wuxuu xusay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay taageerto dowladda federaalka Soomaaliya si ay ugu guuleysato hadafyadeeda, balse wuxuu xusay in arrinta uu ku talinayo ay tahay in la dhiso ciidammo Soomaaliyeed oo awood leh.

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya ka caawisa dhinaca tababarka ciidamada iyo taakuleynta, ayadoo sidoo kale caawinaad joogto ah siisa howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ciidamada dowladda ka caawinaya la dagaallanka Al-Shabaab.

SomaliSwiss     Washington
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: