Kulankii Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud iyo John Karry ee dalka Ethiopia oo laga soo saaray War-murtiyadeed.

Madaxweynaha iyo Kery.jpg2War-murtiyadeed oo qoraal ah ayaa laga soo saarey wasaarada arimaha dibada ee mareykanka, warkaas oo lagu faah faahiyaay kulankii magaalada Addis Ababa ku dhex mary madaxweynaha Somalia mudane Xasan Sh Maxamuud iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee mareykanka John Kerry.

Mas’uul sare oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegey in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday xukumada Washington arrimo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada qalabka sida ee Somalia, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u habaynta hay’adaha dowladda Somalia kulankaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno katirsan golaha wasiirada.

Waxaa War-murtiyeedka ka soo baxay wasaradda arrimaha dibada ee Mareykanka lagu sheegey in madaxweynaha Somalia uu ka faalooday marxaladihii dalka uu soo maray labaatankiis ano ee la soo dhaafay ayna ku began tahay 25 sno guuradii ka soo wareegatay burburkii doqwladii dhexe dadka somaliyeedna ay u baahanyihiin nidaam dowlada nimo isagoona cdsaday in laga kaabo sidii dalka loo gaar siin lahaa doorasho xor ahi.

Dhanka kale War-murtiyeedkan ayaa lagu qoray in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay horumarro ka sameysay arrimaha ammaanka ayadoo kaashaneysa ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Waxaa kaloo War-murtiyeedkan lagu sheegay in Xoghaye Karry uu caddeeyey in Soomaaliya ay ka dhaceen is-bedello iyo horumar dhabbaha u xaaraya in waddanku uu ka soo kabsado dhibaatada muddada dheer ka jirtay.

SomaliSwiss      Addis Abeba
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: