R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u hambalyeeyay Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ra'iisal-waasaraha CusubRa’isal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa munaasabada 1-da May 2014 oo ah maalinta shaqaaleweynaha aduunka ugu hambalyeeyay dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed. Hambalyo iyo Bogaadin ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka ee uu Mudane C/weli u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah shaqada iyo horumarka dalka.

R/wasaaruhu wuxuu tibaaxay qiimaha weyn ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax soo saarka shaqaalaha, dowladuna ay ahmiyad siinayso in munaasadaan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.

Mudane C/weli oo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray in shaqadu tahay nolosha iyo sumacada qofka, isagoo tilmaamay in bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ay uga horeyso.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ugu jirto in ay abuurto shaqooyin, ayadoo laga faa’idaysanayo xooga shaqaalaha, wuxuuna tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed, isagoo ummadda ku baraarujiyay in ay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: