Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Madaxweynaha  Xaflad.jpg5Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu xusayay Munaasabadaan maalinta shaqaalaha Adduunka 1-da May oo maanta ku beegan, islamarkaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Madaxweynaha  Xaflad.jpg3

Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Luqmaan Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Xildhibaanno, ururrada ka shaqeeya arrimaha shaqaalaha iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

Xafladda Munaasabaddan ayaa intii ay socotay waxa ay Hobollada Qaranka ee Waaberi ay halkaasi ku soo bandhigeen suugaan ay kaga hadlayeen qiimaha maalinta shaqaalaha Adduunka ay u leedahay Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ugu horraantii Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Luqmaan Sheekh Ismaaciil ayaa ka jeediyay khudbad la xiriirta maalinta Shaqaalaha wuxuuna sheegay in Wasaaraddu ay ku dadaalli doonto sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda shaqaalaha, isagoo xusay in ay wadaan qorsheyaal ku aadan sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha  Xaflad.jpg4

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isna munaasabadda lagu weyneynayay maalinta shaqaalaha Adduunka hadal ka jeediyay, ayaa ugu horeyn hambaylo munaasabadda 1-da May awgeed u diray dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha Dowladda oo uu Madaxweynuhu xusay in ay ku shaqeeyaan marxalad adag, ayna u dhabar adeegeen inay Qarankooda iyo bulshadooda u adeegaan.

Madaxweynaha  Xaflad.jpg6

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu maanta la qaybsado shaqaalaha Caalamaka dabbaal degyada iyo midnimada ay muujinayaan, maadaama uu ka soo qeyb galay xuska maalinta shaqaalaha Adduunka ee 1-da May, isago shaqaalaha ku booriyay inay sii labo jibaaraan adeegyada ay bulshada u hayaan, dowladduna ay isha ku hayso xaaladda ay ku shaqeynayaan.

SomaliSwiss      Muqdisho SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: