Hey’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha oo Kenya uga digtay xadgudubyada lagu sameynayo dadka Soomaalida.

Human Rights Watch.png1Hay’addaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa ka digay inay sii socdaan xad-gudubyada ay u geysanayso Dowladda Kenya dadka Soomaaliyeed ee ku nool Wadankaasi.

Digniintan oo ay soo saareen hey’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca xuquuqda Aadanaha (Human Rights Watch) ayaa waxay ku socotay hey’adaha amaanka ee dowlada Kenya, kuwaas oo wada howlgal ay ugu magac dareen nabadda iyo la dagaalanka argagixisada, waxaana dowlada Kenya lagu baraarujiyay cawaaqib xumida ka dhalan karta cadaadiska ay ku hayaan Soomaalida ku nool dalkaasi.

Hey’adda u dooda xuquuqda Aadanaha (Human Rights Watch) ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dowlada Kenya ay sii kordhineyso dhiirigelinta dadka diidan Nabada iyo kuwa lagu xadgudbay.

Warbixinta ay soo saartay hey’ada Human Rights Watch ayaa waxaa lagu yiri: “ciidamada Kenya ayaa joogteeya cadaadiska dadka jilicsan oo ay ugu horeyaan Soomaalida sababtuna ma ahan in Kenya ay raadineyso nabad u gaar ah, nabadu waxa ay ku jirtaa la dhaqanka bulshada, Soomaaliduna arinkaasi door muuqda ayeey ku leeyihiin, dowlada Kenya waa iney dib u eegtaa dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidamadeeda”.

Waxaa digniintan si wada jir ah u soo saareen ilaa dhowr hey’adood oo ka shaqeeya dhinaca xuquuqda Aadanaha, waxaana lagu xusay in ciidamada Kenya ay xaafada Islii ku tilmaamaan in ay tahay barta lacagaha laga helo tasoo ay sabab uga dhigeen musuqa hareeyay hey’adaha Kenya iyo mushaar la’aanta heysata ciidamada.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Dowlada Kenya ay dhegaha ka fureysatay baaqyada kaga imaanaya hey’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha, iyadoo ay jiraan dad badan oo ay dhibaato xoog leh iyo xad gudub u geysteen ciidamada Kenya.

SomaliSwiss         Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: