Ciidamada Ammaanka oo maanta howlgallo ka sameeyey Degmada Yaaqshiid ee G/ Banaadir.

BaarisCiidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta baaritaanno ka billaabay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana howgalkaas lagu soo qab-qabtay dad badan.

Sida ay u sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool Degmada Yaaqshiid in aroortii hore ee saaka ay gudaha xaafadahooda ku arkeen ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa dowldda iyo kuwa AMISOM, ayna guryaha oo dhan baaritaanno ku sameynayaan.
 

Warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa waxay su’aalo weydiiyeen Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgalka qaybta ka ah ayaa ka gaabsaday inay si faahfaahsan uga hadlaan, balse waxay sheegeen inay dad badan ku qabteen howlgalka.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa dhowr jeer ka dhacay Degmada Yaaqshiid dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu beegsanayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo sidoo kalena dhowr qof oo shacab ah lagu dilay degmadaas.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: