Wasiirka Amniga Qaranka oo sheegay in magaalada Muqdisho ay ka jiraan Suuqyo Madow oo lagu iibiyo hubka.

wasiirka amniga.jpg1Wasiirka Amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ayaamahii la soo dhaafay ka jawaabayay su’aalo ay xildhibaannada baarlamaanku shalay weydiiyeen ayaa sheegay in Muqdisho ay ku yaallaan suuqyo madoow oo lagu iibiyo hubka, balse ay dagaal kula jiraan.

Hase ahaatee Su’aal uu weydiiyay Mudane ka tirsan baarlamaanka oo ahayd maxaad kala socotaa suuqyo lagu iibiyo hubka dowladda oo ku yaalla Muqdisho isagoo sheegay inuusan jirin suuq si cad hubka loogu iibiyo, balse ay jiraan suuqyo madow oo qorsoodi ah oo hubka lagu kala iibsado ayna dagaal cad kula jiraan.

Wasiirka ayaa xusay in dadka hubka kala iibsanay ay yihiin kuwo kor iska yaqaan, qofka hubka laga iibinaya lagu heshiiyo meel uusan hub oolin, marka heshiiska la gaarana guryo ku dhow-dhow goobahaas laga soo siiyo hubka.

Wasiirku hadalkiisa ku daray“Dadka hubka iibinaya ma ahan kuwo hub ku dhex haysta goobta ay markaa ku sugan yihiin, balse qofka ayay si hoose ula heshiiyaan, markaas kaddib ayay hubka kasoo siiyaan guryo ay ku qarsadeen, innaguna daba-gal ayaan ku haynnaa, xitaa meelaha qaarkood kaamirooyin qarsoon ayaan ku xirnay si aan ula soconno dadka hubka iibinaya,” ayuu.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Qaranka ayaa intaas wuxuu ku daray inay jiraan dad lasoo qabtay iyagoo hub kala iiibsanaya, hubkiina ay kala wareegeen, balse ma uusan sheegin halka ay dadkaas ku dambeeyeen.

Sida uu sheegay wasiirka in xilliga ay ka jiraan goobo ka mid ah magaalada Muqdisho hubka lagu kala iibsado, waxaa uu Wasiirka uu caddeeyey in hubka lagu iibinaya suuqaas ay yihiin hub cusub.

Muwaadiniin ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay jiraan suuqyo qarsoodi ah oo hubka loogu kala iibisado.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: