Baarlamaanka oo maanta guda-galay dhageysiga gudiga Gaadiidka oo ka warbixiyey heshiiskii ay Xukuumadda la gashay Shirkadda FAVORI.

???????????????????????????????Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageystya gudigga Gaadiidka, taas oo ku aadan heshiiskii ay Xukuuumadda la gashay shirkadda FAVORI ee lagu wareejiyay maamulka garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Waxaa fadhigii Baarlamaanka maanta la dhageystay warbixintii gudigga Gaadiidka Baarlamaanka ee la xiriirta heshiiskii ay Xukuumaddu la gashay shirkadda FAVORI ee dalka Turkiga oo iyadu hada maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana Guddoomiyaha gudigaasi Xildhibaan Cusmaan Aadan Dhuuboow uu Baarlamaanka ka hor sheegay in heshiiska ay Xukuumaddu la gashay shirkadda FAVORI yahay mid aanan laga baaraan deign, islamarkaana ka hor imaanaya qodobadda:- 50aad,126aad,1aad iyo 99aad ee Dastuurka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda u degsan.

Sidoo kale Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ay maanta soo gebagebeeyeen su’aallo weeydiinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, ayadoo Xildhibaannadii ugu dambeeyey ee Wasiirka su’aallaha weeydiiyeyna ay si isku mid ah xooga u saarayeen sababta ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha u fulin weyday sharciga 116 ee Baarlamaanku ansxiyey islamarkaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda saxiixay kaasi oo quseeyey nidaamka loo marayo sameynta maamullada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo Xildhibaannada su’aallahooda uga jawaabay ayaa waxa uu gebagebadii Baarlamaanka Soomaaliya u muujiyey in looga fadhiyo sameynta sharci deg deg ah oo la xiriira sida maamullada loogu sameynayo deegaannada cusub ee ay Dowladdu dib u hanato, waxaana uu dhanka kale Wasiirku tilmaamay in sharcigii 116 ee Baarlamaanku ansixiyey la fuliyey intiisa badan.

G. Barlamaanka Jawaari.jpg1Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan munaasabadda 1da May ee maalinta Shaqaalaha Caalamka u diray shaqaalaha Soomaaliyeed,
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka hadlay howlaha adag ee xiligan horyaala Golaha Shacabka oo ay ugu horeeyaan waxyaabaha lagamamaarmaanka u ah in dalkan uu gaaro halka loo hiigsanayo sanadka 2016ka, ayadoo talaabooyinkaasina ay ugu horeeyaan hirgelinta nidaamka Federaalka ah, sameynta xeerarka axsaabta siyaasadda iyo dhisidda gudiyada madaxa banaan ee Dastuurku farayo.

Waxaa la filayaa in maalinnimada sabtida ah ee soo socotana uu Baarlamaanku horimaan doono Ra’isulwasaaraha Xukuumadda oo laga sugayey inuu horkeeno barnaamijka Xukuumaddiisa oo faah faahsan halka maalinnimada Axada ah ee soo socotana Baarlamaanku guda geli doono ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: