Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya oo maanta la filayo inuu la kulmo Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sudan.

???????????????????????????????Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu maanta magaalada Khartoum ee dalka Sudan uu kula kulmo Jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool, si uu uga warbixiyo xaaladaha uu dalka kusuganyahay.

Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ah Wasiirka Difaaca oo dhowr maalmoodba booqasho ku joogay dalka Sudan ayaa waxa uu jaaliyadda iyo ardayda kala hadli doonaa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka, waxaana uu ka dhageysan doonaa warbixino ku aadan xaalada ay ku suganyihiin.

Sidoo kale Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ayaa wuxuu Shalay kulan la qaatay dhigiisa dalka Sudan Jeneraal Cabdiraxiin Maxamed Xuseen oo ay ka wada hadleen xaaladaha amniga iyo sida ay isaga kaashan lahaayeen xaslinta guud ahaan Soomaaliya.

Dhanka Wasiirka Gaashaandghigga dowlada Suudaan ayaa balan qaaday in ay garab istaagi doonto ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, ayna ka go’an tahay dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Ugu danbeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Sudan ay tahay dowladda kaliya ee aan la xirin Safaaradda Soomaaliya ay ku lahayd dalkaasi markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee dalka, uuna uga mahadceliyay casuumadda ay u fidiyeen isaga iyo wafdiga la socda.

SomaliSwiss    Khartoum
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: