Wasaaradda amniga Qaranka ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sugidda nabadgelyada dalka, iyadoo dhinaca kalena sheegatay in Baarlamaanka ay dhawaan u gudbin doonto sharciga ladagaallanka argagixisada.
Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shalay ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xildhibaannada baarlamaanka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay dar dargelineyso qorshaha xagga amniga ee looga hortagaya falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab.
Wasiirka Amnniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya wuxuu yiri: “Ammaanka waxa uu u baahanyahay in la qaato go’aano adag oo xagga sharciga ah, in la soo saaro go’aano qaraar ah, sharciyo adag, waxaan idinka codsanayaa in aad meel marisaan hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada ah, maadaama ay dhibaato ku hayaan bulshada”.
Dhanka kale, Wasiirka amniga ayaa xusay in hay’adaha amniga ay fashiliyeen qorshayaal badan oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab maleegayeen, kuwaasi oo uu ku sheegay inay ku doonayeen sidii ay ugu dhibaateyn lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.