Guddoomiyaha Baarlamaaanka Prof. Jawaari oo sheegay in Safiirka Soomaaliya ee Kenya uu hor-imaanayo Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Barlamaanka.jpg1Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika uu horimaanayo baarlamaanka si xildhibaannada uu ugu sharraxo xaaladaha ka taagan Nairobi.

Guddoomiyaha baarlamaaanka Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay tahay fursad ay xildhibaannadu markii ugu horreysay ku dhageysan doonaan danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, si ay wax badan uga ogaadaan dhibaatooyinka Soomaalida ku nool dalka Kenya lagu hayo iyo xarigii booliiska Kenya ay u geysteen qunsulka safaaradda Somalia ee Kenya.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Danjiruhu wuxuu imaan doonaa baarlamaanka si uu sharraxaad uga siiyo xildhibaannada baarlamaanka howlgallada lagu qabqabanayo Soomaalida iyo xarigii booliska Kenya ay u geysteen qunsulka safaaradda Somalia ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire”.

Hase yeeshee Prof. Jawaari ma uusan sheegin xilliga uu horimaanayo safiirka golaha baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuse xusay inuu dhawaan horimaan doono, iyadoo danjiraha oo shalay soo gaaray Muqdisho uu sheegay inuu Muqdisho ku sugnaan doono laba maalmood oo keliya.

Sidoo kale arrintan ugu weyn ee sabab u ah in xukuumadda Soomaaliya ay u yeerto safiirkeeda u jooga dalka Kenya ayaa ahayd markii ciidamada booliiska dalkaas ay saacado kooban xireen Jimcihii qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Dhanka kalr Xukuumadda iyo baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay iyagoo sheegay inaysan u dulqaadanayn dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida, xarigii loo geystay Siyaad Maxamuud Shire uu yahay mid xad-gudub ku ah dublamaasiyadda caalamka.

Si kastaba Dowladda Kenya oo ciidammo ay kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin xariga dublamaasiga Soomaaliyeed, iyadoo danjiruhu uu sheegay in warqad ay arrintan kaga cabanayaan ay u gudbiyeen wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: