Xukuumadda Soomaaliya u yeertay Danjiraheeda u fadhiya dalka Kenya iyo Qunsulkiisa

Cali AmeerikoWaxaa maanta barqanimadii ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda Mahad Maxamed Salaad iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.

Shir jaraa’id oo ay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si wadajir ah ugu qabteen wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayeey ku faah faahiyeen sacdaalka uu Danjiruhu dib ugu soo laabtay Muqdisho.

QUNSULKA SOMALIA EE KENYA

Wasiir Ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka ay u yeeertay Danjiraha si loogala tashado xarigii qunsulka safaaradda u geysteen ciidamada Kenya.

Sidoo kale Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo isna hadlay ayaa tilmaamay in uu Muqdisho u yimid si uu xukuumadda ugu sharaxo ama ugu faah faahiyo xarigii ay ciidamada Kenya u geysteen Qunsulka Safaaradda Siyaad M. Shire .

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika ayaa falka lagu xiray qunusulka dhankiisa ku tilmaamay mid aad u fool oo ka baxsan sharciga dublamaasiyadda caalamka.

“Warqad cabasho ah oo arrintan ku saabsan ayaan u dirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, jawaab ayaana ka sugaynaa,” ayuu yiri dajire Ameerika oo intaa ku daray inay aadi doonaan Muqdisho ayna warbixin ka bixin doonaan xaaladaha ay Soomaalida Kenya ku sugan yihiin.

Xariga Qunsulka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay tallaabo aad u fool xun, iyagoo xukuumadda ka dalbaday inay qoraal ay arrintan kaga cabanayso u dirto dowladda Kenya.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: