Dhismaha xarunta cusub ee safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo xariga laga jaray.

aXaflad Xarigga looga jarayey dhismaha cusub ee Safaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Soomaalida Malaysia Sida arday, aqoonyahanno, hooyooyinka, fanaanin iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay dhismaha hooyga cusub ee safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia, iyadoo si aad ah loogu xardhay astaanta calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Ugu horeyn waxa ay ka soo qayb galayashii mar qura u wada kacen ixtiraamsiinta astaanta heesta calanka waxaana intaas ka dib mikrafoonka qabsaday Qunsulka ahna safiir ku xigeenka safaraadda Soomaaliyeed  ee dalka Malaysia Mr. Jabril Mohamed sh. Osman oo hadalo aad u qiimo badan u jeediyay kaaso qayb galayasha, sidoo kale wuxuu wax lagu farxo ku tilmamay in manta meesha kaliya ee naga dhaxayso aan wada joogno.

“Waxa kaliya ee naga dhaxeeyo waa gurigaan quruxda badan astaanta qaranka uu ka muuqdo, ma ahan meel la kala xigo, qof walba oo somaliyeed waa hanti uu ku leeyahay halkaan, qof walbana wuu ku magan galaa, haduu rabi idmo” sidaa waxaa yiri safiir ku xigeenka ahna Qunsulka guud Mr Jabril Mohamed sh. Osman.

Gudoomiyaha jaaliyadda Somaliyeed Dr. Mahamud Shariif ayaa sidoo kale ka hadlay, wuxuuna soo dhaweeyay in la helay safaarad rasmi ah oo Qaranka Soomaaliyeed matalaysa, isagoo hadalkiisa ku daray in hada wixii ka danbeeya uu muwadin walba oo somaliyeed heli doono xaquuqdisa gaarka ah oo culeesyadii hore ee jiray laga baxay.

Cali Mahdi Mohamed oo ka mid ah dhalinyarada cilmiga masterka ka barta dalka ayaa codka dhalinyarada ku hadlay, muujiyayna sida ay ugu faraxsan yihiin in ay heleen garab ka maqnaa in mudo ahba.

Hooyo Nadiifo ayaa iyana codka hooyooyinka ku hadashay, waxayna shacuurteeda ku cabirtay buranbur murti iyo waano ku dheehneed oo ka soo qayb galayasha shucuurtooda badashay.

Ambassador Nuur Faarax Xersi Safiirka cusub ee safaaradda Soomaliyeed ee dalka Malaysia ayaa qudbadii ugu danbaysay ku soo xiray, isagoo muujiyay in ay safarada somaliyeed aysan jiri lahayn hadaysan jirin shacab sidaan oo kale iskugu xiran ama iskaga warqaba, wuxuuna cod dheer ku balan qaday in safarada ay noqon doonto mid ilaalisa xurmada iyo sharafka muwadin walba oo somaliyeed, isagoo ku bararujiyay in midnimada iyo walalnimada la wada dhowro, qof walbana uu iska soo qaado in uu yahay ambassador ka turjumaya qaranka somaliyeed.

Gunta iyo gunanadkii ayaa waxaa hooyooyinka somaliyeed ee madasha soo xadiray ay dhambaal hadiyad ah aay gudoonsiyay madaxda safarada waxaana u gudoomay ambassador nuur farah hersi.

Kooxda walalaha KL oo uu horkacayay al fanan Ciise Gubta aya ka soo qayb galasyashii xaflad dhagaha ugu miisay heeso u badnaa kuwo wadaniyad ah oo ay la jiibinayeen qaar ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed oo qiiro wadaniyaddeed ay qaaday.

Waa markii ugu horeysay abid oo ay safarada Somaliyeed oo rasmi ah ka shaqyso dalka Malaysia, waxayna dhabaha u xaraysaa in muwadiniinta somaliyeed ee dalkaan ku nool ay ka helaan wax walba oo ay ugu baahdan oo ah adeeg ah xilli markii hore ay wajib ku ahayd in ay dalka banaanka ugu soo baxaan si ay wixii adeeg ah oo ay u baahdaan u soo helaan.

%d bloggers like this: