Xildhibaanada Baarlamaanka oo Xukuumadda ka dalbaday in ay ka hadlaan bahdilka iyo sharaf dhaca loogu geysanayaan dalka Kenya shacabka yo diblomaasiyiinta Soomaalida.

???????????????????????????????Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho kusii ambaqaaday ka doodista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan 2014ka, taasi oo dhowaan warbixinteeda uu Golaha Shacabka dib ugu soo celiyey Guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka.

Qeybta hore ee fadhiga Baarlamaanka maanta waxaa shir gudoominayey Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar waxaana uu ahaa mid ay Xildhibaannadu kusii ambaqaadeen ka doodida Amniga dalka sida balantu aheyd albaabada ayaa u xirnaa oo saxaafaddu dibad joog ayey ka aheyd.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isagu shir guddoominayey qeybta Labaad ee fadhiga Baarlamaanka maanta oo ku saabsanaa ka doodista Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan ayaa khudbad uu jeediyey ugu horeyn waxa uu ka hadlay sababta loo bixin la’yahay mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidammada maadaama uu Baarlamaanku horey u ansixiyey miisaaniyad Seddex biloodle ah.

Bishii Janaayo ilaa iyo Febraayo saddex bil waan ansixinay miisaaniyadda, iyadoo la tixgelinayo waqtiga ku socda Xukuumadda cusub, xitaa waxaan sii ogolaanay in April haddii ay daahdo inta laga doodayo ay sii bixiyaan, dhamaan hay’adaha ay quseyso waan siinay warqadaas, waxaa igu maqaalo ah in shaqaalaha aan muddo saddex bil lacag la siinin, taa waxaan gudiga maaliyadda faraynaa in ay si deg deg ah u daba galaan asbaabta lacagtaasi loo bixin waayay” ayuu yiri Prof Jawaari.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay tacadiyada dadka iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed loogu geysto dalka Kenya, isaga oo Tusaale usoo qaatay dhacdo xalay mudo saacado ah lagu xiray Qunsulka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaasi waxaana uu falalkan Guddoomiyuhu ku tilmaamay mid aanan la aqbali Karin balse looga baahanyahay Xukuumadda Soomaaliya iney talaab deg deg ah qaado.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo arrintaas ka hadlay wuxuu yiri : “Qunsulka Soomaaliyeed ee Kenya booliska inta uu qabtay ayay ku dhex dareen gaarigii ay saarnaayeen dadka sharci darrada ah, waxa uu tusay diblomaasiyadda, way aqoonsan waayeen, way xireen iyagoo aan tixgelin jagada uu hayo, xitaa safiirkii oo la socday way aqoonsan waayeen oo ciidanka tusay in uu yahay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, meelo badan ayuu la xiriiray safiirku, arintaan ma ahan oo kaliya mid xad gudub ku ah sharciga diblomaasiyiinta caalamka ee la isku ixtiraamo, ee waxaan u aragnaa mid xadgudub ah, arintaan goluhu uma dul qaadan karo, waxaan Xukuumadda ka rabnaa in ay jawaab cad ka bixiso arrintaasi”.

Waxaa kaloo ay Xildhibaannada Golaha Shacabku gudagaleen ka doodista Miisaaniyadda, talooyin dhowr ah ayeyna soo jeediyeen Xildhibaannadu talooyin ay u arkaan iney ku haboontahay in lagu kordhiyo Miisaaniyadda Dowladda.

Ugu danbeyntii kulanka Baarlamaanka ee maanta Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Xildhibaannada uga jawaabay su’aallo la xiriiray halka ay ku dambeeyeen qaraarro uu horey Baarlamaanku u ansixiyey, waxaana uu xusay in qaraaradaasi fulintooda uu Ra’isulwasaaraha gudiyo u saaray laakiinse guddiyadaasi jawaabtii laga sugayey aanay keenin xiligii loo qabtay oo ku beegneyd 18kii bishan, warqad uu Guddoonku kaga dalbanayo Ra’iisul wasaaraha jawaab hor leh ayuuna Golaha ka hor akhriyey.

Waxaa la filayaa in Maalinnimada berri ah ay Golaha Shacabka hor imaan doona Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed si uu Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabo su’aallo la xiriira Amniga dalka, taasi oo maalmahanba ay Xildhibaannadu doodo ka lahaayeen.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: