Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

DSC057961Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo halkaasina si fiican loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in lagu shaqeeyo daruufo adag, waxaana uu intaa ku daray in shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta looga fadhiyo in ay sii dar dargeliyaan u adeegidda bulshada, si loo badiyo, wacyi gelinta bulshada.

Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo uu horkacayo Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxameed ayaa kulamo la qaatay madaxda Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna kormeeray qeybaha ay ka koobantahay Warbaahinta Qaranka, sida Idaacadda Radio Muqdisho, Xarunta Telefishinka Qaranka ee SNTV, iyo Wakaaladda SONNA.

Madaxweynaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka oo ka hadlayey kormeerkiisa wuxuu yiri : “Farxad ayay ii tahay in aan maanta soo booqdo xarunta Wasaaradda, waxaan aad ugu faraxsanahay in dhalinyaradan ay hayaan howlo aad u wanaagsan, waana ugu hambalyeynayaa, dadaalka ay wadaan dhalinyarada, maadaama si wanaagsan looga faa’iideystay”.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in booqashada Madaxweynaha ay u tahay mid taariikh ah, maadaama ay u gudbiyeen xaaladaha ay ku shaqeeyaan howlwadeenada Wasaaradda.

Si kasta ha ahaatee waa markii Labaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo booqdo xarunta Wasaaradda Warfaafinta, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 10-ka September ee sanadkii 2012.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: