Dad u dhintay Biyo la’aan oo laga soo Sheegay deegaano hoostaga Gobollada Dhexe iyo Galguduud, Puntland iyo Somalialnd.

Biyo la'aan.JPG2Dad ugu dhintay Biyo la’aan laga soo Sheegay deegaano hoostaga Gobollada Dhexe iyo Galguduud, Puntland iyo Somalialnd, iyadoo la sheegay in dad ay u dhinteen harraad; Sidaas waxaa laga wareystay Maxamed Aadan Rooble oo ka mid ah odayaasha degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in toddoba qof ay u dhinteen biyo la’aan, isagoo sheegay in dadka dhintay hal nin mooyee ay inta kale ay ahaayeen haween iyo caruur. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Biyo la'aan

Oday Rooble oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Deegaannada ay biyo la’aantu ka jirto waxaa ka mid ah kuwo ka fog degmada Guriceel, waxaana geynay biyo si dadkaas harraadka looga biyo, waxaana dadka dhintay ku dhintay ku jirtay hooyo umul ah iyo cunug ay dhashay oo biyo la’aan u dhintay”.

Sidoo kale, odaygan ayaa sheegay in abaarta oo daba dheeraad awgeed ay biyo la’aantan keentay, isagoo xusay in baraagihii biyaha lagu kaysan jiranay ay gabi ahaantood gureen.

Oday Rooble ayaa xusay in deegaannada ku dhow magaalooyinka waaweyn ay xaaladoodu wanaagsan tahay“Xoolaha aad ayay u dhammaanayaan mana jirto cid is-weydiinaysa waxaan ku jirnaa sidii aan dadka u badbaadin lahayn,”.

Biyo la'aan.JPG3

Dhanka kale, Mas’uul u hadlay maamulka Somaliland ayaa sina u sheegay BBC-da inay biyo la’aan xooggan ka jirto deegaanno ka tirsan Somaliland, kuwaasoo ay ka mid tahay degmada Laasacaanood oo biyaha looga soo dhaamiyo meelo aad uga fog.

Mas’uulkan u hadlay Somaliland ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay dadka ku gaarsiinayaan biyo ay cabaan, isagoo xusay in deegaannada ay biyo la’aantu ka jirto ay aad u ballaaran yihiin.

Waxaa kaloo biyo la’aan aad u xooggan laga soo sheegayaa maamul-goboleedka Puntland, iyadoo ay jiraan deegaanno biyo la’aantu fara ba’an ku hayso, inkastoo aysan jirin dad ugu dhintay harraad.

Maanta ayaa waxaa deegaanno ka tirsan bartamaha Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland waxaa isagu soo baxay dad roob-doon ah, kuwaasoo Alle ka baryayay inuu roob u keeno.

War naga soo gaaray deegaanno hoosta Gobollada Hiiraan iyo Galguduud ayaa la sheegay in ilaa afar ruux ah ay u geeriyoodeen haraad deegaanno hoos-taga gobollada Hiiraan, kadib biyo laa’aan darran oo soo food saartay dadka xoolo dhaqatada u badan ee ku nool deegaannadaas.

Meelaha ugu sii darran ee biyo la’aantu saameynta adag ku yeellatay ayaa waxaa ka mid ay deegaanno hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan oo lagu waramayo in dadka iyo duunyada ku nool dhibaato ba’an ku qabaan biyo la’aanta la soo la daristay.

Biyo la'aan.JPG1

Dadka reer miyiga ah ayaa marka aad la sheekeysato u sababeynaya arrintan biyo la’aanta roobabkii oo ka soo dib dhacay waqtigii la fillayay iyo baraagihii biyaha oo dhamaantoodba guray.

Qaar ka mid ah dadka deegaan ayaa ugu baaqay maamulka gobolka, hay’addaha samafalka, ganacsatada iyo jaaliyadaha dibada in ay u soo gurmadaan dadka dhibaateysan, isaga oo sheegay in haddii ay xaalada sidan iska sii ahaato laga yaabo in tiro kale oo dad ah haraad u dhintaan.

Biyaha oo ah qeybta ugu muhiimsan marka la eego nolasha Aadanaha, ayaa haddana dhinaca kale dadka reer miyiga ah waxaa la oran karaa waa kuwo dad iyo duunyaba ku xirran isticmaalka baraagaha iyo waraha biyo- gallaanka ah marka ay roobabka da’aan kuwaa oo haddii ay guraan xaaladu halis gaarto.

Biyo la'aan.JPG2SomaliSwiss     Baladweyne
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: