Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire Nicholas Kay oo sheegay in la diyaarinayo Ciidammo Soomaali ah ee Suga Ammaanka Dalka

Nikolay Kay.jpg1Qaramada Midoobay ayaa dabooka ka qaadday inay dowladda Soomaaliya ka taageerayaan abuurista ciidammo gaar ah oo ka shaqeeya sugidda amaanka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sidaas waxaa sheegay Danjire Nicholas Kay, wuxuuna caddeeyey in Qaramada Midoobay iyo dalalka saaxiibka la ah dowladda Soomaaliya ay hadda ka shaqaynayaan in dowladda Soomaaliya loo tababaro ciidammo gaar ah oo suga ammaanka.

Danjiruhu wuxuu sheegay in Ciidamad la tababaraayo ay tiradoodu gaarayso 10,500 oo askari taasoo gacan ka geysan doona sugidda ammaanka dalka iyo ka hor-tagga weerarrada Al-shabaab ay ka geystaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Mr. Nicholas Kay oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Abuurista ciidammo xoog leh oo Soomaaliyeed waqti badan ayay qaadatay, hadda waxaan qorshaynaynaa inaan dowladda u abuurno ciidammo amaanka sugi kara oo xoog leh”.

Sidoo kale, ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Danjire Kay wuxuu sheegay in dowladaha taageera Soomaaliya ay ka geysan doonaan gacan diyaarinta ciidamadan, kuwaasoo uu sheegay in xitaa ay ku jiraan kuwo la geyn doono gobollada dalka.

Dhanka kale, Mudane Nicholas Kay ayaa soo hadal qaaday arrimaha bini’aadanimada oo uu sheegay inay Qaramada Midoobay kordin doonto oo gar-gaar ay siiso Soomaaliya, iyadoo gargaarkan la gaarsiin doono deegaannada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka qabsadeen Al-shabaab.

Ugu dambeyn, hadalka ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa imaanay xilli dhawaan lagu dilay Muqdisho laba xildhibaan mid kalena la dhaawacay, waxaana sheegatay mas’uuliyadda dilalkaas Al-shabaab.

SomaliSwiss    Washington
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: