Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ka Codsaday dalalka Dariska la ah Soomaaliya inay nabadda wax ka sugaan.

Ra'iisal-waasaraha Cusub.jpg3Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka dalbaday dalalka dariska la ah Soomaaliya inay gacan ka geystaan nabad kusoo celinta Soomaaliya.

Mudane C/weli ayaa sheegay in nabad-galyo darrada ka jirta Soomaaliya aysan ahayn mid ku ekaanaysa Soomaaliya, balse ay saameyn karto dhammaan dalalka gobolka, sidaas daraadeeedna ay tahay inay qayb ka qaataan sidii Soomaaliya ay nabad ku noqon lahayd.

Ra’iisul wasaare C/weli oo intaas ku daray in xukuumaddiisu ay dadaal ugu jirto soo celinta nabadda Somalia“Dalalka dariska ah waxaan ka codsanaynaa inay gacan nagu siiyaan sidii amniga guud ee Soomaaliya loo adkeyn lahaa, maadaama uusan ahayn mid khatartiisu ay ku ekaan karto Soomaaliya, balse ay u gudbi karto iyagana”.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu hadalkan ka sheegay xiritaankii shirkii amniga looga hadlayay ee ka socday Muqdisho, waxaana uu intaas ku daray in golaha shacabka ay u gudbiyeen sharciga la dagaalanka argagaxisada, kaasoo uu codsaday in la ansixiyo.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare C/weli wuxuu caddeeyey in Al-shabaab ay khatar weyn ku tahay dalalka gobolka oo dhan, marka sidii looga adkaan lahaa waa in loo wada guntado, ammaanka Soomaaliyana waa mid ku xiran ammaanka gobolka oo dhan.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay gacan ka heshaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo tiradoodu ka badan tahay 22,000 oo askari oo ka socda lix dal oo Afirkaan ah, kuwaasoo ay ku jiraan Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo Soomaaliya daris la ah.

Dhanka kale hadalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay Muqdisho ka dhaceen weerarro lagu dilay xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya, kuwasoo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: