Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay casho sharaf u sameyay ergadii ka qeybgashay shirkii amniga qaranka oo shalay Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

???????????????????????????????Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa xalay casho sharaf u sameyay ergadii ka qeybgashay shirkii amniga qaranka oo shalay Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Waxaa Munasabadda Casho sharafta aheyd ka soo qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirro uu ka mid ahaa wasiirka amniga oo wasaardiisu shirkaasi soo qorsheysey, xildhibaanno quburo ka socotey beesha calamka godoomiyaha gobolka banadir, qaarka tirsan gudoomiyayaasha gobollada dalka iyo degmooyinka gobolka banadir, Taliyayasha ciidamada qalabka sida sarakiil kale oo AMISOM ka tirsan fananiin goobta ku oo bandhigey sugaan aad loogu riyaaqey iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumey oo uu ka mid ahaa godoomiyii hore ee gobolka Banadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Wasiirka amniga Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa ugu horreyntii munasabada hadal ka jeediyay ayaa uga mahadcelieyay madaxweynaha casuumaada ergada isagoo fah fahiyey ahmiyadda shirkii amniga ee Muqdisho lagusoo gab gabeyey.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo asiguna munasabadda ka hadlay ayaa waxa uu ku bogaadiyey ergada shirka amniga ka qeybgalay warmurtiyeedka amniga dalka ku saleysan ee ay soo sareen dowladuna ay ku dadaalidoonto sidii loo dhaqan galin lahaa.

Madaxweynaha ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney dulqaad iyo dhabar adeeyg u muujiyaan dadaalada dalka dib looga hir galinayo nidaamka dowliga ah oo dhameystiran .

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: