Afhayeenka kooxda Al-Shabaab oo u digay Dowladda, Hay‘adaha Samafalka, AMISOM iyo Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh CaliWeerarradii labadii maalin isku xigay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dilay laba xildhibaan ee ka tirsanaa golaha baarlamaanka Soomaaliya ayna mas’uuliyadda dilkooda sheegatay kooxda Al-shabaab ayuu afhayeenka Al-shabaab wuxuu ka warbixiyay sababta ay u beegsanayaan xildhibaannada.

Cali Dheere oo ah Afhayeenka guud ee kooxda Al-shabaab wuxuu sheegay in sababta ay u beegsanayaan xildhibaannada baarlamaanka inay tahay inay isku sheegeen inay yihiin sharci-dejiyeyaal doonaya in sharciga Ilaahay ay ka kor-mariyaan sharciga ay iyagu dejiyeen.

Afhayeenka kooxda Al-shabaab oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri; “Xildhibaannadu waa kuwa ugu horreeya oo aan dagaalka kula jirno, waayo waxay isku sheegeen inay yihiin sharci-dejiyeyaal, waxayna doonayaan inay sameeyaan sharci la isku xukumo oo aan ahayn kan Alle innaguna taas ayaan diiddannahay”.

Cali Dheere wuxuu sheegay inay sii wadayaan beegsiga ay ku hayaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku boorriyay xoogagga Al-shabaab ka tirsan inay ku toogtaan meel walba oo ay kula kulmaan xubnaha baarlamaanka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay inaysan jirin wax ka hor-istaagaya inay xildhibaannada ku ugaarsadaan meeshii ay doonaan, wuxuuna xusay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid aan wanaagsanayn oo wixii la doono laga sameyn karo.

“Haddii ay is leeyihiin waxaa idinka celinaya AMISOM iyo ciidammo kale, waxaan u sheegaynaa inay ogaadaan in madaxtooyada la weeraray in AMISOM laga dilay taliye ku xigeenkoodii iyo falal kale oo Muqdisho laga geystay,” sidaas waxaa yiri Cali Dheere.

Dhanka kale Cali Dheere ayaa hadalkiisan kusoo beegay iyadoo laba maalmood oo isku xigta lagu dilay Muqdisho laba xildhibaan oo baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa mid kalena lagu dhaawacay.

Si kastaba ha ahaatee guddiga ammaanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda ugu baaqay in xildhibaannada loo sameeyo ciidammo gaar ah oo ilaaliya, si aanay u soo beegsan kooxaha kasoo horjeeda nabadda oo ay ula jeedaan Al-shabaab.

Isha Warka  Shabakada Al- Qaa’ida
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: