Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta soo xiray Shirka Amniga Qaranka.

Shirka Amniga.jpg6Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta soo xiraya shirweynaha amniga Qaranka ee looga hadlayo ammaanka, kaasi oo muddo saddex cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Shirka Amniga.jpg2

Shirka ayaa qeybtiisa hore waxa ay ergadu isku weydaarsadeen fikrado iyo talooyin ku aadan dhowr qodob, oo kala ah fursadaha iyo caqabadaha jira, dhaqan celinta iyo hubka dhigista, sida lagu horumarin karo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha amniga iyo bulshada, sharuucda xuquul insaanka iyo kuwa kale.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa su’aalo la xiriira xagga amniga la warydiiyay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, iyagoo ergada uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen ee xagga amniga ku saabsanaa.

Shirka ayaa waxaa laga akhriyay war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo ka hadlayay waxyaabihii ka soo baxay shirka oo muddo saddex maalin socday .

Qaar ka mid ah ergada ka kala timid gobollada dalka iyo dibediisa oo shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin talooyinka laga soo saaray shirweynaha amniga Qaranka.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: