Danjire Nicholas:“Haddii ay sii socdaan weerarrada lagu beegsanayo xubnaha dowladda waxaa dhici karta inay isaga baxaan hay’adaha QM magaalada Muqdisho“.

Danjire Nicholas_KayErgayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa ka digay in hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee samafalka ay dhici karto inay isaga baxaan magaalada Muqdisho haddii ay sii socdaan weerarrada lagu beegsanayo xubnaha dowladda.

Sidoo kale, Danjire Nick Kay ayaa hadalkan sheegay kaddib markii laba xildhibaan oo baarlamaanka Somalia ka tirsan lagu dilay Muqdisho, iyadoo mas’uuliyadda dilalka xubnaha baarlamaanka ay sheegatay Al-shabaab.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in weerarradan ay sababi karaan in ha’yaduhu ay ka baxaan Muqdisho oo dhan ama ay sababaan in howlaha gargaarka ee ay wadaan ay hoos u dhigaan.

Danjire Kay oo ka hadlayay machadka nabadda ee Washington wuxuu yiri: “Waxaan aad uga walwal qabaa ammaan-darrada soo korortay, haddii xarumaha UN-ka la weeraro, taasi waxay keenaysaa inaan ka baxno Soomaaliya”.

Ergaygu wuxuu kaloo uu sheegay in haddii weerarradu ay sii socdaan ay keeni karaan khasaarooyin intan ka badan, isagoo dalbaday in gacan laga siiyo dowladda Soomaaliya sidii ay ammaanka Muqdisho ku adkeyn lahayd.

Sida uu sheegay Danjiruhu Dalalka reer galbeedka ayaa xoojinayay sannadihii u dambeeyay xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe ee Soomaaliya, balse dhowr jeer ayay reer galbeedku ka digeen khatarta dhinaca ammaanka ah ee ka jirta Soomaaliya.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab oo Muqdisho ka baxday sannadkii 2011-kii ayaa weli ka sii wadda weerarrada ay ku beegsanayso xarumaha dowladda, kuwa AMISOM, Qaramada Midoobay iyo kuwa hay’adaha samafalka ay ku leeyihiin Muqdisho.

Xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa bishii June 2013-kii ay Al-shabaab weerartay, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ay awood u yeesheen inay gudaha u galaan xaruntaas ayna ku dilaan shaqaale ajnabi ah.

Waxaa magaalada Muqdisho la keenay dhawaan 64-askari oo qayb ka ah 400 oo askari oo Uganda u dhashay oo ilaalin doona xarumaha Qaramada Midoobay, ha yeeshee Kay uu sheegay inay dhici karto in ha’yadaha Qaramada Midoobay ay isaga baxaan Muqdisho haddii qaraxyadu sii socdaan ayaa haddana waxaa Muqdisho.

Danjire Kay wuxuu ugu dambeyn, sheegay in inkastoo uu walaac ka qabo xalaadda ammaan, haddana ay isku dayayaan inay kordhiyaan howlaha ay ka wadaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Somaliwiss       Washington
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: