Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo la sheegay in ay gacanta ku dhigeen deegaanno hoos taga Gobolka Bakool.

Ciidamada Dowladda.jpg1War naga soo gaaray magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Qalabka sida ee ku sugan gobolkaas ay xalay howlgallo ka sameeyay deegaanno ay isku uruursanayeen kooxda aragagixisada Al Shabaab, iyadoo qasaaro xoog leh u geystay Malleeshiyaadka Al Shabaab.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool degmada Xuddur ayaa Warbaahinta ugu waramaeen in howlgallo ay ciidamada XDS ay ka sameeyeen deegaanno hoos yimaada gobolka Bakool ay ka xoreeyeen Malleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana ka mid ahaa deegaanadaas tuulada Moora gaabeey oo 30 kiilo mitir dhanka galbeed kaga toosan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegay iney gacan ta ku dhigeen hub iyo saanad ay ka furteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, balse ma jirin wax qasaare ah oo ciidamada ka soo gaaray howlgalkaasi.

Somaliwiss       Xuddur
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: