Shirka Amniga Qaranka oo maanta galay wejigii labaad.

???????????????????????????????Wejigii labaad ee shirka amniga Qaranka ee Shalay kafurmay magaalada Muqdisho ayaa maanta markale furmay, kaasi oo looga hadlayo arrimaha ammaanka iyo sida lagu xoojin karo. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Shirka oo uu shalay si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka qeyb galaya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, ergo tiradoodu gaarayso ilaa iyo 500 oo qof oo ka kala yimid gudaha iyo dibedda, kuwaasi oo ay ku jiraan maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, Wakiilada dowlaha saaxiibada la ah Soomaaliya, quburo Soomaaliyeed oo xagga amniga ku taqasusay iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa qeybtii hore waxaa warbixino laga dhageystay Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, iyadoo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa xusay in ay jiraan dadaallo kala duwan oo xagga amniga ah, loona baahanyahay in la xoojiyo wadashaqeynta hay’adda iyo maamullada gobollada dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo isna madasha ka hadlay ayaa tibaaxay in ay jiraan falal ay baaritaano ku wadaan oo aysan lug ku lahayn arrimo Shabaab ay geysteen, loona falalka kooxaha argagixisada ah, ayna soo gudbin doonaan marka uu baaritaanka soo idlaado.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in howlgallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab uu meel wanaagsan marayo, islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii howlgalladaasi loo sii wadi lahaa.

Shirka oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa maanta lagudo galay in laga doodo qodobo dhowr ah oo ay ugu horeyso adkeynta amniga iyo sida la isaga kaashan karo.

Shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah amniga, si loo xoojiyo guud ahaan nabadgelyada dalka.

%d bloggers like this: