Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

6Allaha u naxariistee Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka oo maanta u geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa ayaa lagu aasay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaanno iyo Ehelada Marxuumka. HOOS KA DAAWWO SAAWIRADA KALLE

Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalim Caliyo Ibroow oo ugu horeyn goobta aaska ka hadlay ayaa tilmaamay in Marxuum Isaaq Maxamed Cali ay dishay gacan ka xaqdaran, isagoo Alle uga baryay in uu janada ka waraabiyo.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa ugu horeyn tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, ehelada iyo asaxaanbta uu ka tegay Marxuumka, waxaana uu Mudanayaasha baarlamaanka kula dar daarmay inaysan dhaq jalaq u siinin falalka argagixisada ay maleegayaan, islamarkaana uusan saameyn ku yeelan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.

Allaha u naxariistee Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka ayaa barqanimadii maanta waxa ay kooxo arxan laaweyaal ah ay qarax ugu xireen gaarigiisa, taasi oo uu u geeriyooday Marxuumka.

%d bloggers like this: