Tababbar Xirfadeed oo 250 Arday loogu soo gaba-gabeeyay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Arday baydhabo.jpg1Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa tababar socday muddo hal sano ah loogu soo gabgabeeyay 250-arday oo bartay xifado kala duwan, iyadoo tababarkan ay fulisay hay’adda NRC.

Arday baydhabo

Xirfadaha ay barteen ardaydan ayaa waxay isugu jireen; tolidda dharka, koronnto-gelinta , sameynta mobilka iyo farsamada Alaabooyinka guryaha, waxaana ay isugu jireen ardayda gabadho iyo wiilal.

Ugu horreyntii waxaa xafladdaas ka hadlay Madaxda hay’adda NRC waxaana ka mid ahaa xubnhaaas Dr. Qaasim iyo Rashiid Cabdullaahi, iyagoo sharraxay howsha ay qabteen mudadii halka sano ahayd ee uu tababarku socday, iyagoo xusay inay arday cusub qaadan doonaan.

Sida ay sheegtay hay’adda NRC in Ardayda tababarka xirfadeed loo soo gabagabeeyay ay ahaayeen kuwo ay qoysaskoodu kasoo barakaceen deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool, iyadoo tababarkan uu yahay mid lagu doonayo inay ku shaqeystaan si ay nolosha qoysaskooda u maareeyaan.

Waxaa xiritaanka Xafladdan goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka gobol iyo kan degmada Baydhabo, iyagoo uga mahadnaqay hay’adda NRC tababarka ay Baydhabo ku siisay ardayda isugu jira wiilasha iyo gabadha.

Arday baydhabo.jpg2

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow oo goobta ka hadlay ayaa ka dalbaday ha’yadaha kale inay ku daydaan NRC, ayna gobolka ka fuliyaan howlo la mid ah kuwan. Iyadoo dhanka kale uu goobta ka hadlay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Dr.C/llaahi Xaaaji Xasan.

Ugu danbeyntii Ardayd dhameystay waxbarashada ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin ku saabsan waxbarashadooda iyo qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen sida qalabka farsamada iyo harqaanno la siiyay gabdhaha tababarka dhameystay.

SomaliSwiss Baydhabo
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: