Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo soo Bandhigtay koox Al-Shabaab ah oo dilal horey u geystay gabar Ardayad ah.

3Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigtay qaar ka mid ah gacan ku dhiiglayaashii dilay gabar Soomaaliyeed oo lagala baxay Gurigeeda oo ku yaalay dhabarka dambe ee Warshadda Coca Cola  ee Degmadda Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Nafiso Cismaan Salaad waxay ahayd Ardayad dhawaan ka qalin jabisay kuliyadda Kalkaalisonimadda ee Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO, waxay ahayd Gabar Curdun ah oo wax u baratay Dalkeeda iyo Dadkeeda, ha yeeshee Maleeshiyaad aan ka diir nixin daadinta Dhiiga Shacabka ayaa xilli fiid ah kala baxay gurigeeda,  iyagoo ku hor watay waalidkeed oo si qasab ah ay isaga reebeen, waxayna ku dileen meel aan guriga ka fogayn, halkaasoo ay kaga tageen Maydka Nafiso oo goor dambe ay ehelkeedu soo qaateen. Waxayna dhacday dhacdadan taariikhdu markeey ahayd 6-4-2014.

Xasan Maxamad Cabdi oo Shabaab dhexdiisa looga yaqaano Salmaan waxa uu qirtay inuu ka qayb ka ahaa Dilka Nafiso. wuxuuna sheegtay inuu Xabadda 2-aad ee lagu dilay Nafiso uu isagu kaga dhuftay qoorta,  halka Xabadda 1-aadna uu sheegay inuu ku dhuftay saaxiibkiis Shaafici Cabdi Xirsi oo isticmaalayay Bastoolad Nooca Teeteeda loo yaqaan. Wuxuuna Xasan isagoo sii hadlaya intaa raaciyay in 2-da Xabbo oo kalana ay ku dhufteen saaxiibadiis kale oo aan Madasha la keenin.

Kooxdan Dilayaasha ah ee Shabaab ka tirsan waxay sidoo kale sheegteen mas’uuliyadda inay fuliyeen dilal dhowr ah oo loo gaystay dad shacab ah iyo Askar, waxaana ka mida falalka ay iyagu qiraalka yihiin inay gaysteen Dil dhawaan isna loogu gaystay Xaafadda Suuqa Xoolaha Askari lagu magacaabo Khaliil oo ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Kooxdan Dilalka waxashnimadda ah gaysata waxaa geed fadhi u ah Haweeneey Da’ ah oo lagu magacaabo Deeqo Diraac taas oo caan ka ah Degmadda Heliwaa, gaar ahaan Xaafadda SOS. waxayna Hooyo Deeqo u qidmaysaa Maleeshiyaadka Amniyaadka marka ay dilalka soo gaystaan, iyadoo sidoo kalana hubka u haysa marka aysan ku jirin falalka qarbudaada ah. waxayna Hooyadan oo sidoo kale Carruurteedu ay ka mid yihiin Amniyaadka Shabaab ay ka wel welsanayd mustaqbalka Wiilkeeda oo qayb ka ahaa Dilka Marxuumad Nafiso,  halka aysan wax xanuun ah ku hayn Gabadha ay sida Xaqdaradda ah u dileen Koox uu Wiilkeedu ka mid yahay, taasoo ay dhashay Hooyo wali aan ka raysan xanuunkii ay ka dhaxashay Gabadheeda sida arxan daradda ah loogu hor dilay.

Allaha u Naxariistee Marxuumad Nafiso waxay noqotay Muwaadinadii ugu dambaysay ee ay si xaq darro ah ku dilaan Maleeshiyadan Al-Shabaab ka tirsan ee inta ay qirteen dilay in ka badan 20 qof oo siyaabo kala duwan loogu dilay Degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid.  waxayna ahayd Nafiso gabar dhalinyaro ah oo baratay Caafimaadka, isla markaana ay ka go’nayd inay bulshadda u adeegto. Laakiin arxan laawayaal ayaa hor istaagay aqoonteeda inay uga faa’iidayso Bulshada.

Xasan oo Salmaan loo yaqaan oo ku jira hadda Gacanta Nabadsugidda Soomaaliya waxa uu jeclaan lahaa inaan loo dilin sidii ay dadka u dili jireen oo la cafiyo. Isagoo dalbaday in la iska sii daayo.

Inkastoo uu codsaday Xasan in la cafiyo isaga iyo saaxiibadiis haddana sida ku cad Shareecadda Islaamka iyo Qaanuunka Dalkaba waxa uu mutaystaa qofka dil bareer ah gaysta in lagu fuliyo Toogasho.

%d bloggers like this: