Madaxweynaha oo maanta ka Guddoomay Waraaqihii Aqoonsiga Danjiraha Dowladda Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweyne Xasan & SacuudigaMadaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqihii aqoonsiga Danjiraha cusub ee boqortooyada Saudi Arabia u fardhin doona dalka Soomaaliya.

Garam Bin Said Bin Garam Almulhan oo ah Danjiraha cusub ee Sucuudi Carabiya, ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Madaxweyne Xasan & Sacuudiga.jpg1

Waxaana goob-joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda, C/raxman Ducaale Bayleh, Dajiraha Sucuudiga ee Soomaaliya oo kulankaas ka hadlay wuxuu yiri: “Sucuudiga waxaa ka go’an inay sii xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxaana ka taageeri doonaa Soomaaliya dhinacyada ammaanka, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib u dhiska”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay Sacuudiga iyo Soomaaliya ay yihiin walaalo iyo saaxiibo in muddo ah taageero u fidin jirtay oo haatan sii xoojinaysa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxayna naga taageeraan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo oo ceelal fara badan ay ka hirgeliyeen Soomaaliya oo shacabku aad baahi ugu qabay.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya oo isna munaasabaddaas ka hadalay wuxuu yiri: “Boqortooyada Sacuudiga waxaan iska kaashanaynaa la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah iyo sidii loo saxi lahaa fikirka qaldan ee kooxaha argagaxisada.

Wasiirkeenna gaashaandhigga baa dhawaan booqday Sacuudiga oo la kulmay dhiggiisa Sacuudiga oo ay isku afgarteen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaaen dhanka amniga, xasilinta iyo dib u dhiska”.

Dhanka kale Danjiraha Sacuudi Carabiya ayaa dhammbaal uu ka siday boqorka Sacuudiga u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya. Dhambaalkaas oo ahaa in Sacuudigu sii xoojin doono xiriirka taaariikhiga ah ee labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo danjiraha Sacuudiga ayaa shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta madaxtooyada, kaasoo ay kaga hadleen xiriirka labada iyo kaalmada Sucuudigu siinayo Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: