Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ahna R/wasaare ku xigeen oo maanta Dalka dib ugu Soo laabtay.

Wasiirka AwqaafkaWasiirka Diinta iyo Owqaafta ahna R/wasaare ku xigeen Ridwan Xirsi Maxamed ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhameystay booqasho uu ku tegay dalka aynu walaalaha nahay ee Djabuuti.

Wasiirka iyo wafdigii uu hoggaaminayo ay saaka ka soo degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa faah faahin ka bixiyay safar shaqo oo ay ku tageen dalka Jabuuti, kulamo ay la soo qaateen madaxda ugu sarreeysa dalkaasi iyo heshiisyo ay la soo saxiixdeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Sidoo kale R/wasaare ku xigeenku wuxuu Radio Muqdisho u sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo sida uu tilmaamay ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo sidii dowlada Jabuuti ay u sii wadi laheyd taageerada ay la garab taagantahay dowladda Soomaaliya.

Mudane Ridwan Xirsi oo hadalkiisa sii wata wuxuu xusay in madaxweynaha Jabuuti uu ballan qaaday in uu sii kordhin doono ciidamada Jabuuti ee hiil walaal oo ka mid ah ciidamada AMISOM ee hawlgallada ka wada dalkeenn.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: