Deeganno ka tirsan gobolka Bakool oo dagaal ku dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaad ka tirsan Xarakada A-Shabaab.

Ciidamada Amisom.jpg3Kolonyo ay wateen ciidadamada AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in uu isku hor imaad ku dhex maray deeganno ka tirsan gobolka Bakool maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo dagaalkaasi Al-Shabaab looga itaal roonaaday.

Mudane Maxamed Macalin Axmed oo ah Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool oo la hadlay Warbaahinta Muqdidsho ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka warheleen, islamarkaana uu ahaa mid u dhexeeyay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya kuwa AMISOM ay jidka u galeen maleeshiyaad Shabaabka ka tirsan, isagoo xusay in Shabaabku halkaasi loogu geystay qasaare baaxad leh, islamarkaana kolonyadii ciidamada ay goobta ka gudbeen, iyagoo aan wax qasaare ah soo gaarin.

Guddoomiyaha degamda Xudur ayaa wuxuu si kooban ugu warbixiyey dhacdadaas wuxuuna yiri: “Ciidamada AMISOM iyo kuwa qalabka sida ayay ahaayeen oo ku sii wajahnaa Waajid, dagaalka waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Boodaan oo ah inta u dhexeysa Waajid iyo Rabdhuure, dagaal xoog leh ayaa halkaasi ka dhacay, qasaare ayaa loogu geystay maleeshiyadii weerarka soo qaaday”.

SomaliSwiss Xuddur
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: