R/wasaare C/weli Sheikh Axmed oo Kulamo la leh maalintii labaad Bulshada iyo Saraakiisha maamulka Kismaayo.

Ra'iisal-waasaraha KismaayoR/ wasaaraha xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulamo gooni gooni ah la leh qeybaha bulshada iyo mas’uuliyiiinta mamulka KMG ah ee Jubba.

Ra'iisal-waasaraha Kismaayo.jpg3Mudane C/weli Sheekh Axmed oo maalintii labaad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa xalay kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka KMG ah ee Jubba iyo saraakiisha AMISOM waxeyna ka wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada sgabaab looga xoreynayo deegaannada Jubbooyinka, isagoo u sheegay saraakiisha in la dhameystiri doono baahida ciidamada xagga qalabka iyo mushaaraadkoodaba.

Sidoo kale R/wasaare C/weli iyo mas’uuliyiinta la socota ayaa sidoo kale xalay la kulmay Axmed Madoobe oo ah madaxa maamulka KMG ah ee Jubba, waxeyna isla xalay la kulmeen odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Kismaayo wuxuuna kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen nabadgelyada iyo howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada.

Dhanka kale R/wasaare C/weli ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo qeybaha bulshada ku nool magaalada Kismaayo isagoo ka dhageysan doona warbixino ku aadan baahidooda, waxaana la filaya in R/wasaaruhu booqdo xarumo kala duwan oo ku yaala magaalada Kismaayo.

Ra'iisal-waasaraha Kismaayo.jpg1Ra'iisal-waasaraha Kismaayo.jpg2SomaliSwiss Kismaayo
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: