Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo si cad u sheegay in dowladdu ay u dul-qaadan doonin in Somalida lagu dhibaateeyo Wadamada ay u qaxeen.

Madaxweyne-xasan iyo JawaariMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay tacadiyada ciidamada Kenya ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi, isagoo dowladda Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka noqon doonin in si xun loola dhaqmo Soomaalida, isagoo sheegay in madaxda Kenya uu kala hadlay inaan lagu xadgubin Soomaalida, ciddii sharci haysatana lasii daayo, kuwii aan la hayn dalkooda lagu soo celiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ay ilaaliyaan nabad-galyada iyo xasilloonida dalka ay ku nool yihiin, isagoo ka codsaday inay dadka kusoo dhex dhuumanaya ee amaan-darrada geysanaya u gudbiyaan ciidamada ammaanka.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri:.“Dhibaatada loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee Kenya ku nool iyo kuwa kale ee caalamka daafihiisa jira, waxaa mas’uul ka ah Al-shabaab, waayo iyagaa nabad-galyo darrada ay dalka uga carareen abuuray”.

Sida aad la socotaan waxaa Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa muddooyinkii dambe ka soconayay xad-gudubyo ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed ee dalka ku dhaqan oo ay ciidamada ammaanka Kenya kula kaceen xarig iyo dhibaateyn kale.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: