Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo ka digay in nidaamka Federaalka loo adeegsado hab beeleed.

Madaxweynaha iyo Bulshada_rayidka.jpg1Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka digay in nidaamka federaalka ah ee la doonayo in dalka laga hirgeliyo loo adeegsado hab qabiil si loogu dumiyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay soo baxayaan waxyaabo muujinaya in maamul goboleedyada dalka ka jira ay ka weecinayaan federaalka ujeeddada loo asaasay, taasoo uu ku sheegay in maamullada dalka ka jira ay u adeegsanayaan hab qabiil.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay ku midoobayaan dhammaan maamulada dalka ka jira, iyadoo laga amba-qaadayo federaaliisimka dalka ka jira, isagoo sheegay inaan la adeegsan ficillo muujinaya qabiil.

Dhanka kale digniintan ayaa imaanaysa iyadoo maamullo badan oo iska soo horjeeda bilhii lasoo dhaafay looga dhawaaqayay gobollo ka mid ah dalka, kuwaasoo mowqif ahaan aad u kala fog, iyadoo maamul walba uu si gaar ah u sheeganayo inuu gobollo maamulo.

Sida loo wada jeedo Gobollada qaarkood ayaa waxaa si aad la isugu haysto maamul sameynta, iyadoo taas ay tusaale u noqon karaan maamullada laga dhisay magaalada Baydhabo, kuwaas oo wada-sheeganaya inay maamulaan gobollo ku yaalla Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: