Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Howlgallada ay ku qab-qabanayaan Boliiska Kenya Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Ra'iisal-waasaraha CusubRa’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay howlgallada ay ciidamada Kenya ku qab-qabanayaan Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay qab-qabashada ay ciidamada Kenya ku hayaan Soomaalida xaafadda Islii.
Continue reading

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Watch) oo Kenya ka dalbatay inay joojiso tacadiyada ay u geysaneyso Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

human rights watchHay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku cambaareysay ciidamada Kenya sida ay ula dhaqantay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, iyadoo ka dalbatay inay joojiso tacadiyada ay ku hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalkaasi.
Continue reading

Dowladda Federaala Soomaaliya oo Dowladda Kenya ugu Baaqday inay joojiso tacadiyada loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka DiintaXukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ugu baaqday inay joojiyo tacadiyada iyo gabood fallada lagula kacayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, kuwaas oo xaalado adag ay soo wajaheen todobaadyadii ugu dambeeyay.
Continue reading

Shirweynihii labaad ee maalgashiga dalka Soomaaliya oo lagu soo gunaanaday magaalada Muqdisho.

Shirka MaalgashigaShirkii labaad ee maal-gashiga Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraatka Catabta, kaas oo ay ka qaybgaleen madax sare iyo wasiirro ka kala socota dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay, Saciid Ali Qorsheel, Yuusuf Macallin Amiin, Wasiirka Kheyraad Badda iyo Ra‘iisul wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi.
Continue reading

%d bloggers like this: