Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha oo soo laabtay.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii ay socdaal ku tegeen dalalka Belgium, Kenya, Rwanda iyo Burundi, halkaasi oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta dalalkaasi. Continue reading

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo maanta Kormeer howleed ku soo kala bixiyay Degmooyinka Bulo-Burte iyo Jowhar.

Ra'iisal-waasaraha JowharRa’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Khamiis ah kormeer howleed ku soo kala bixiyey degmooyinka Buulaburte iyo  Jowhar ee gobolka Shabellada Dhexe, waxaana goobahaas ra’iisul wasaaraha si diiran ugu soo dhaweeyey mas’uuliyiinta degmooyinkaas.
Continue reading

Wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud oo sheegay in aan loo dulqaadayn dhibaatada Ciidamada Kenya ay ku hayaan Soomaalida…

Somali NairobiWasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Somalia, Maxamed Ismaaciil Shuuriye ayaa sheegay in dhibaatada lagu hayo Somalida ku nool magaalada Nairobi ay tahay mid aad looga xumaado, xukuumadda Soomaaliyana aysan u dulqaadanayn arrintaas. Continue reading

Wasiirka warfaafinta Itoobiya oo sicad u sheegay in Ciidankooda ay sii joogi doomaan Soomaaliya ilaa laga adkaado Xarakada nabad diidka ah ee Al-Shabaab

Wasiirka W. Ethiopia DebretsionWasiirka warfaafinta Itoobiya, Debretsion Michael ayaa ka hadlay dagaalka Al-shabaab ka dhanka ah ee ka socda Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamadooda ay ku sugnaan doonaan Somalia illaa laga adkaanayo Al-shabaab.
Continue reading

Suuqa Bacadlaha ee magaalada Beydhabo oo Xalay Ka Kacay Dab Xoog Leh oo sababay qasaare Hantiyadeed.

Dab qabsaday...War naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dab xoog leh oo sababay qasaare hanitiyadeed uu xalay saqdii dhexe qabsaday suuqa Bacaadlaha ee Magaalada Baydhabo, dabkaas oo ay ku bas-beeleen hanti farabadan oo ay lahaayeen dad rayid ah, dabka ayaa baabi’iyay qeybo badan oo ka mid ah suuqa Bacadlaha ee magaalada Beydhabo.
Continue reading

%d bloggers like this: