Danjiraha IGAD U Qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo casho sharaf u sameeyay Suxufiyiin Soomaali Ah oo ku sugan Adis-ababa.

Danjire Maxamed Cabdi AfeeyDanjiraha urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya ayaa xalay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia Kulan Casho Sharaf ugu sameeyay saxafiyiinta Soomaalida ee ku sugan magaaladaasi.

Ergayga IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo u sameeyey Casha Sharafta suxufiyiinta ayaa lagu qabtay xarunta dhaqanka ee dowladda Ethiopia, Danjiraha oo ka hadlay kulankaas wuxuu Suxufiyiinta kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo kulankaas oo ka hadlayey kulankaas wuxuu yiri : “Waxaan rabnaa howsha aad heysaan inaad uga faa’iideysaan isu keenka ummadda Soomaaliyeed iyo dib u heshiisiinta, idinkaa warkiina la maqliye, dadkana u tebiya wixii fiican waliba ka ilaaliya wixii xiisad keeni kara”.

Sidoo kale Danjire Afeey ayaa ka sheekeeyay taariikhda urur goboleedka IGAD, wuxuuna sheegay in ururku doonayo in sanadka 2016-ka ay Soomaaliya ka dhacdo doorashooyin xor ah.

Dhanka kale Danjiraha ayaa kula taliyay suxufiyiinta Soomaaliyeed ineey ka qeyb-qaataan dadaallada ay xukuumaddu ku xasilineyso ammaanka iyo horumarrada kala duwan ee ay higsaneyso.

SomaliSwiss   Addis Ababa
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: